Gareth Southgate Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xulka Qaranka England Ee Kulamada Nations League – Miyuu Maguire & Sterling Soo Xushay?

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha xulkiisa uga qayb galaya kulamada tartanka UEFA Nations League ee ay dhawaan la yeelan doonaan qaramada Iceland iyo Denmarl.

Liiska xiddigahan uu soo saarayo Southgate ayaa ahaa mid ay su’aalo badani ku gadaaman yihiin waxaana xiddigaha shakiga la gelinayay ka qayb ahaanshahooga ugu cad cadaa kabtanka Man United ee Harry Maguire iyo garabka Man City ee Raheem Sterling.

Sababta uu shakiga ku galay Maguire oo joogto ahaa England sanadihii ugu dambeeyay ayaa ah dhacdadii ku qabsatay dalka Greece markaas oo uu ku dagaalamay halkaas isla markaana uu xidhnaa laba habeen.

Dhinaca kale Sterling ayaa shaki la gelinayay kaddib markii uu Jimcihii ka qayb qaatay xaflad uu qabsaday orodyahanka ree Jamaica ee Usain Bolt kaas oo looga shakiyay xafladaas kaddib inuu qabo caabuqa Korona.

Tababare Southgate ayaa arrimaha labadaas xiddig dhinac iska dhigay isla markaana kusoo daray ciyaaryahanada uu soo xushay.

Khadka dhexe ee kooxda Leeds United ee Kalvin Philipps ayaa markii ugu horreysay looga wacay xulka qaranka England si lamid ah da’yarta labada Manchester ee Mason Greenwood, Dean Henderson iyo Phil Foden.

Weeraryahanka Southampton ee Danny Ings oo 22 gool oo Premier League ah soo dhaliyay xilli ciyaareedkii hore ayaa dib loogu wacay si lamid ah Kyle Walker iyo Eric Dier ayaa kusoo baxay markii ugu horreysay tan iyo 2019.

Liiska Xiddigaha Uu Soo Xushay Southgate

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.