DEG-DEG: Cristiano Ronaldo Oo Laga Helay Caabuqa Korona Fayras & CR7 Oo Noqonaya Xiddiga Ugu Magaca Weyn Ee Uu Saameeyay

Kabtanka xulka qaranka Portugal ahna hoggaamiyaha weerarka Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah looga helay xanuunka dunida sida saf-marka ah u saameeyay ee Korona Fayras isaga oo noqonaya xirfadlaha ugu weyn guud ahaan ciyaaraha ee ilaa haatan laga helay.

Ronaldo ayaa laga soo fasaxay xulka Portugal ee kahor tagaya dhigooda Sweden isagoo aan kahor tagi karayn Sweden ciyaartaas maalmo kaddib markii ay bar-bardhac 0-0 ah lasoo galeen xulka France.

Warbixin rasmi ah oo uu xulka Portugal haatan soo saaray ayaa lagu sheegay in Ronaldo laga fasaxay xulka qarankaasi oo uusan kahor tagi kari Sweden.

“Cristiano Ronaldo ayaa laga fasaxay shaqada xulka qaranka kaddib markii tijaabo lagaga helay Korona Fayras, sidaas darteed kama hortagi karo Sweden” ayaa kagu yidhi warbixinta.

Marka laga yimaado in laga helay xanuunka oo ay natiijadu sidaas sheegayso, Ronaldo ayaan lahayn calaamadaha xanuunka balse dib loogu diray dalkiisa Portugal.

In warkani uu imanayo maalmo kooban kaddib kulankii France vs Portugal ee uu Ronaldo ka qayb qaatay ayaa ka dhigan inuu 35 sano jirkaasi ciyaaryahano tiro badan lasoo kulmay maalmihii ugu dambeeyay oo ay macquul tahay inay ka qaadeen.

Arrinta kale ee wer-werka gaarka ah ku hayn doonta xiddigaha Portugal ayaa walow uu iyaga kaba qayb ahaa haddana ah inay wada cunteeyeen saacado kahor inta uusan warkani soo bixin iyagoo sawir uu Ronaldo qudhiisu ka qaaday ku muujiyay.

Ronaldo (bottom left) poses for a photo with his team-mates just hours before the news broke

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.