DEG-DEG: Chelsea Oo Qarka U Saaran In Ay Dhamaystirto Heshiiska Difaacii Man United Doonaysay Ee Ben Chilwell.

Kooxda Chelsea ayaa qarka u saaran in ay si rasmi ah u dhamaystirto heshiiska ay ku doonayso difaaca kooxda Leicester City ee Ben Chilwell.

Maamulka Chelsea ayaa horumar layaableh ka sameeyay xidigii ay kooxaha waa wayn ee Premeir league waqti dheer isha ku hayeen ee Ben Chilwell kaas oo hadda qarka u saaran in uu ciyaartoy Chelsea ah noqdo.

Image

Sky Sports ayaa hadda shaaciyay in Chelsea ay qarka u saaran tahay in ay dhamaystirto heshiiska Ben Chilwell kaas oo hore loola xidhiidhinayay Man United.

Il wareed ku dhaw ciyaartoyga kooxda Leicester City ee Ben Chilwell ayaa Sky Sports News u xaqiijiyay in kooxda Chelsea ay horumar wayn ka samaysay isku daygii ay ku doonaysay saxiixan xidigan isla markaana ay hadda ku dhawdahay in ay heshiis la gaadho.

Sky Sports ayaa sidoo kale sheegay in Frank Lampard uu muhiimada kowaad ka dhigtay in uu difaaca bidix ee Ben Chilwell la soo saxiixdo si uu horumarin fiican ugu sameeyo kooxdiisa Blues inta aanu xili ciyaareedku furmin.

Wariyaha The Athletic ee David Ornstein ayaa isna sheegay in heshiiska Chelsea ee Ben Chilwell uu hadda yahay mid dhamaystiran wuxuuna intaas raaciyay in xidigani uu maray baadhitaan caafimaad oo ay Chelsea ku samaysay.

Dhinaca kale wargayska Daily Mail ayaa shaaciyay in Chelsea ay ku dhawdahay in ay heshiis £50 milyan gini ah kula soo wareegto Ben Chilwell.

Dhamaan wararka kala duwan ee laga helayo warbaahinta England ayaa isku raacay in Chelsea ay hadda qarka u saaran tahay dhamaystirka heshiiska Ben Chilwell waxaana la sugayaa waqtiga ay ku dhawaaqi doonaan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.