DEG-DEG: Caabuqa Korona Oo Halis Cusub Ku Abuuraya Xilli Ciyaareedka Dambe & Tirada Xiddigaha Premier League Ee Dhawaan Laga Helay

Xanuunka Korona Fayras ayaa u muuqda mid kusoo laabanaya saaxada kubadda cagta kahor xilli ciyaareedka cusub ee 2020-21 gaar ahaan horyaalka ugu heerka sarreeya England ee Premier League.

Korona ayaa si safmar ah dunida u qabsaday horraantii sanadkan 2020 kaddib markii uu kasoo bilaabmay dalka China balse uu caalamka oo dhan gaadhay iyadoo kubadda cagtu ay ku dhawaad mudo afar bilood ah hakad u gashay.

Hadda saxaafada kubadda cagta ka faaloota ayaa dhawaanahan soo warrinayay xogo kala duwan oo la xidhiidha xanuunkaas iyo sida uu ugu soo laabtay gudaha kooxaha Premier League oo qaarkood tababarka dib u bilaabeen.

Sida uu sheegayo wargeyska The Telegraph, 14 kiis oo cusub oo caabuqaas ah ayaa laga soo diiwaan galiyay 12 kooxood oo kala duwan kuwaas oo toddobaadkii hore tababarka dib u bilaabay.

Qaar kamida shaqsiyaadka sarre ee Premier League ayaa sheegay in laga cabsi qabo in ciyaartoyda laga helayo xanuunku ay tiro ahaan sii kordhaan maadaama oo ay xiddigaha kooxaha kala duwani wakhtiyo wada qaateen xilligii lagu jiray fasaxii xagaagan.

Dhawaan ayay ahayd markii ay warbaahintu ogaatay in mid kamida xiddigaha kooxda horyaalka hanatay ee Liverpool laga helay xanuunka.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.