DEG-DEG: Borussia Dortmund Oo Qaaday Talaabo Xasaasi Ah Oo Saamayn Ku Leh Mustaqbalka Jadon Sancho & Xiisihii Man United

Kooxda Borussia Dortmund ayaa qaaday talaabo cusub oo kala fogayaysa kooxda Manchester United iyo da’yarka kooxdeeda ee Jadon Sancho oo dhawaanahanba lala xidhiidhinayay inuu ku laabanayo magaalada Manchester gaar ahaan qaybteeda casaanka ah.

Talaabada ay qaaday Borussia ayaa ah in Sancho uu ula safrayo xiddigaha kale ee kooxdaas dhinaca dalka Switzerland oo ay kusoo qaadanayaan isku diyaarinta ka horreysa xilli ciyaareedka dambe ee 2020-21.

Image

Borussia ayaa barteeda Twitter-ka ku shaacisay liiska xiddigaha kooxdeeda ee safraya maanta iyagoo uu magacyada ka dhex muuqday Jadon Sancho.

Man United ayaa wali halkeeda kasii wada inay eryato saxeexa 20 sano jirkan oo ay kooxdiisu 108 Milyan oo Pound ku qiimaynayso balse waxa lasoo gaadhay tobbanka bisha August oo ah maalintii ay Dortmund sida kama dambaysta ah ugu qabatay United.

Iyadoo ay labada kooxood aad ugu kala fog yihiin qiimaha ay ku kala doonayaan ciyaartoyga, go’aankii Dortmund ee ahaa in Man United ay war cad ka hesho kahor maanta oo 10-ka August ah ayaa u muuqda mid ay United gaadhi kari weyday.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in Dortmund ay 108 Milyan oo Pound ku doonayso Sancho ayuu guddoomiye ku xigeenka Man United ahna ninka kooxdaas arrimaha suuqa u qaabilsani 80 Milyan oo Pound diyaar la yahay.

Wargeyska ree Germany ee Bild ayaa sheegay in maddaxa ciyaaraha ee Dortmund ee Michael Zorc uu doonayo inuu maanta warbixin rasmi ah kasoo saaro Sancho iyo waliba Man United kaddib markii lasoo gaadhay maalintii la balansanaa waxbana aan ilaa hadda la isku fahmin.

Image

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.