DEG-DEG: Bayern Munich Oo Dib Juventus Ugala Wareegtay Douglas Costa & Faah-Faahinta Heshiiska Uu Ugu Laabtan Allianz Arena

Kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa xiddigeedii hore ee Douglas Costa oo ay qaab amaah ah dib ugagala soo wareegtay dhigeeda Juventus isaga oo hal xilli ciyaareed oo amaah ah ku joogi doona Allianz Arena.

Saxeexa Costa ayaa muujinaya in Bayern ay aad ugu mashquulsan tahay suuqa maanta oo ah maalintii ugu dambaysay iyaga oo daqiiqado kahor ku dhawaaqay inay qaab bilaash ah kula saxeexdeen Eric Maxim Chaupo-Moting oo PSG bilaash kaga tagay.

Image

Douglas ayaa hore wakhti dahabi ah ugu soo qaatay Bayern isaga oo kula soo guuleystay laba horyaal Bundesliga isla markaana 18 caawimo iyo 12 gool kusoo diiwaan gashaday 70 kulan oo uu usoo ciyaaray.

Costa oo heshiiskan kaddib dareenkiisa cabiray ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu markale u ciyaaro Bayern isaga oo sheegay inuu hubo inuu markale koobab kula guuleysanayo kooxdaas.

Douglas ayaa isaga oo soo laabashadiisa ka hadlaya yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Bayern u ciyaaro markale, wakhti cajiib ah ayaan kusoo qaatay Munich oo guulo badan leh waanan hubaa inaan markale koobab ku guuleysan doono”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.