DEG-DEG: Barcelona Oo War Murugo Leh Jamaahiirta Kooxdeeda La Wadaagtay Saacad Ka Hor Kulanka Bayern Munich.

Kooxda Barcelona ayaa war naxdin leh la wadaagtay jamaahiirta kooxdeeda ee aduunka saacad ka hor inta ayna bilaamin ciyaarta adag ee ay ku wajahayaan kooxda Bayern Munich ee Champions League.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday in mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdeeda ee muhiimka ahi uu qabo caabuqa karoona Fayras iyada oo kooxda Barca la kulantay xaalad kale oo walwal cusub keenaysa.

Image

Barcelona ayaa hadda soo saartay war rasmi ah oo ay ku shaacisay in difaaca kooxdeeda ee Samuel Umtiti uu qabo caabuqa karoona fayras.

War saxaafadeedka Barcelona ka soo baxay ayaa lagu yidhi: “Kadib markii khamiistii tijaabada PCR lagu sameeyay ciyartoyga kooxda kowaad ee Samual Umtiti waxa uu positive ku noqday caabuqa karoona. Ciyaartoygu wax calaamado ah ma laha, waxa uu ku jiraa xaalad fiican oo caafimaad wuxuuna ku karantiilan yahay guriga”.

Waxaana qoraalka oo sii socda lagu yidhi: “Waxay kooxdu ku war galisay maamulada ciyaaraha iyo caafimaadka ee ay la xidhiidho iyada oo la daba galayo cid walba oo uu ciyaartoygu xidhiidh la sameeyay, sidaa daraadeed waxay mari doonaan baadhitaanka PCR”.

Samual Umtiti ayaa ku biiray liiska shaqsiyaadka Sportska ee uu ku soo dhacay caabuqa karoona wuxuuna si rasmi ah u seegay kulanka ay saacadaha soo socda Barcelona la ciyaari doonto kooxda Bayern Munich.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.