DEG-DEG: Barcelona Oo Dalab Ka Gudbisay Willian Iyo Martin Braithwaite Oo Shan Bilood Kadib Camp Nou Laga Dirayo.

Kooxda Barcelona ayaa dalab miiska u saartay xidiga kooxda Chelsea qaabka xorta ah kaga baxaya ee Willian waxayna Barca buuxisay shuruudii ku xidhnayd heshiiskii uu Willian ka diiday kooxdiisa Chelsea.

Willian ayaa iska diiday in uu wax heshiis cusub ah u saxiixo kooxdiisa Chelsea laakiin wali waxaa jira dalab cusub oo ay maamulka Stamford Bridge miiska u saareen xidiga reer Brazil balse waxa uu dalab uu qaadan karo ka helay kooxda waqtiga dheer doonaysay ee Barcelona.

Willian ayaa sanadihii ugu danbeeyay bartilmaameed u ahaa Barcelona laakiin Chelsea ayaa ka diiday dalabyo dhawr ah balse Sky Sports ayaa shaaciyay in hadda ay maamulka Camp Nou dalab cusub miiska u saareen Willian.

Dalabka heshiiska cusub ee ay Barcelona ku doonayso Willian ayaa buuxinaya shuruuda ah in qandaraaskiisu noqdo ugu yaraan saddex sanadood kaas oo ahaa sababtii uu ku diiday dalabka kooxdiisa Chelsea.

Willian ayaa ku jira maalmihii ugu danbeeyay ee waayihiisa ciyaareed ee Chelsea iyada oo Blues isku diyaarinaysa kulanka finalka FA Cupka ee ay Arsenal la ciyaari doonaan.

Sky Sports ayaa baahiyay in Barcelona ay Willian u soo bandhigtay dalab uu saddex sanadood ugu qaadan karo Barcelona taas oo ka dhigi karta heshiis ugu danbayn soo gaba gabayn kara isku dayadii ay Barca ku doonaysay xidigan ee guuldarooyinka ku soo dhamaanayay.

Dhinaca kale kooxda Barcelona ayaa bilawday in ay la xaajooto gool dhaliyaha ay shanta bilood ee kaliya haysatay ee Martin Braithwaite kaas oo ay doonayso in uu ka baxo Camp Nou inta suuqa xagaagan lagu jiro.

Kooxaha Premeir League ee Everton iyo West Ham United ayaa lala xidhiidhinayaa Martin Braithwaite kaas oo ay Barca ay kula soo wareegtay sharcigii loogu ogolaaday in ay soo buuxistaan booskii uu Ousmane Dembele ka dhaawacmay.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Barcelona ayaa ka shaqaynaya sidii ay ku heli lahaayeen Willian oo bilaash ay kula soo saxiixan karaan maadaama oo uu dhamaaday qandaraaskiisii Chelsea halka ay diyaar u yihiin in ay iibiyaan Martin Braithwaite shan bilood kadib markii uu kooxda soo gaadhay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.