Arthur Melo Oo Go’aan Cusub Qaatay Iyo Waxa Iska Badalay Khilaafkii Heerka Kala Gaadhay Ee Dhex Maray Madax Wayne Bartomeu.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxa uu khilaaf wayni ka dhex qarxay xidiga bixitaankiisa Barcelona hore loo shaaciyay ee Arthur Melo iyo madax waynaha Barca ee  Josep Maria Bartomeu kadib markii uu xidiga reer Brazil hore u diiday in uu ku soo laabto Camp Nou si uu kulamada Champions league u ciyaaro.

Laakiin Arthur Melo ayaa badalay go’aankii khilaafka wayn keenay waxaana hadda la shaaciyay in saacadaha soo socda uu soo gaadhayo Barcelona si uu wada xaajood ula yeesho  Josep Maria Bartomeu iyo maamulkiisa ee ka bixitaanka Barcelona.

Arthur Melo ayaa la kulmi lahaa ciqaab adag haddii uu ku sii adkaysan lahaa go’aankii hore ee uu ku diiday in uu soo laabto taas oo keentay in  Josep Maria Bartomeu uu si adag uga hadlay.

Josep Maria Bartomeu oo hore uga hadlay go’aankii Arthur Melo uu ku gaadhay in aanu soo laaban intii aanu isbadalka samayn ayuu Bartomeu ku yidhi: “Maaha wax la aqbali karayo, waa fal anshax xumo sababtoo ah ma jirto sabab cudur-daar u noqon karaysa inuu kusoo laaban waayo kooxdiisa waqtigan anaga oo ciyaarayna Champions League.” Ayuu yidhi Bartomeu.

Madaxweynaha Barcelona waxa uu ku hanjabay inay ganaax iyo xayiraad ba kusoo rogi doonaan xiddigan, waxaanu yidhi: “Waxa jiri doonta nooc xayiraad iyo ganaax ah. Wali sababta nooma sheegin, kaliya wuxuu sheegay ina tahay go’aan isaga oo jooga Brazil, dibna uma soo laabanayo.”

Laakiin war hadda soo baxay ayuu wargayska Sport ee magaalada Barcelona ka soo baxaa ku shaaciyay in Arthur Melo uu badalay go’aankiisii hore isla markaana uu saacadaha soo socda soo gaadhi doono Barcelona.

Arthur Melo waxa uu haystaa fursad uu qaab fiican ugu dhamaysan karo maalmaha kooban ee uga hadhsan heshiiska uu Barcelona kula dhamaysanayo xili ciyaareedkan maadaama oo laga iibiyay kooxda Juventus.

Ilwareed kooxda Barcelona ah ayaa xaqiijiyay in maamulka kooxda Barcelona ay hadda Arthur Melo u ogolaadeen in uu xarunta tababarka soo gali karo isla markaana uu mari doono baadhitaanka marka ay ciyaartoydu fasaxa ka soo laabtaan la mariyo.

Waxaa la filayaa in go’aanka cusub ee uu Arthur Melo qaatay uu soo afjari doono khilaafkii maalmihii la soo dhaafay taagnaa ee ay Barcelona ku doonaysay in ay ganaax iyo xayiraad ku soo rogto xidiga reer Brazil.

Waxaa la ogaan doonaa haddii tababare Setien uu Arthur Melo ku soo dari doono qorshihiisa Champions League maadaama oo markii hore ay cadaan ahayd in aanu ku xisaabtamayn maadaama oo uu xidiga reer Brazil diidmo cad sameeyay.

Si kastaba ha ahaatee, Arthur Melo ayaa wada xaajood la yeelan doona maamulka kooxdiisa Barcelona ee ay sida adag iskugu soo jawaabeen markii uu khilaafku halka ugu saraysay marayay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.