Dean Henderson-ka Man United Mise Andre Onana? Goolhayaha Ay Chelsea Iyo Tababare Frank Lampard Markasta La Xidhiidhaan Oo La Ogaaday

Kooxda Chelsea ayaa sii wada qorshayaasheeda suuqa kala iibsiga gaar ahaan qorshaha ay ku doonayaan inay kula soo saxeexdaan goolhaye cusub kaddib bandhigyo musiibo ah oo uu xilli ciyaareedkan muujinayo goolhayaha ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta ee Kepa Arrizabalaga.

Kepa ayaa xilli ciyaareedkan hoos u dhac weyn sameeyay isagoo sameeyay tiro qaladaad ah oo waaweyn taas oo dhalisay in booskiisa lala xidhiidhiyo goolhayayaal ay ugu horreeyaan Dean Henderson oo Man United amaah ugaga maqan Sheffield United iyo Andre Onana oo Ajax ah.

Henderson And Onana

Haddaba, sida uu sheegayo wargeyska The Athletic, goolhayaha ay Chelsea markasta sida joogtada ah ula xidhiidhaysay ayaa ahaa Onana oo Ajax qayb ka ah.

Onana oo 24 sano jir ah isla markaana ku qiimaysan kaliya 26 Milyan oo Pound ayaa dookh soo jiidasho leh u noqon kara Chelsea oo xiddigo kale lasoo saxeexatay xilli horeba kahor xilli ciyaareedka dambe.

Goolhayaha ree Cameroon ayaa doonaya oo xiiso u qaba inuu usoo dhaqaaqo dhinaca horyaalka Premier Leagye, intaa waxa dheer warar sheegaya inuu isha ku hayo inuu ka qayb noqdo kooxda da’yarta ah ee uu Frank Lampard ku dhisayo Chelsea.

Guuldarradii ceebta ahayd ee 3-0 ka ahayd ee ay dhawaan Chelsea kala kulantay kooxda Sheffield United ayaa markale madaw sii galisay mustaqbalka goolhaye Kepa waxaana uu shaki dhab ahi ka taagan yahay haddii uu bandhigyo fiican kooxda ku muujin karo.

Onana ayaa caan ku ah fal-celinaha deg-dega ah ee uu darbooyinka kaga hortago, awoodiisa joojinta darbadaha xoogan iyo waliba inuu awood farsamo oo lugta ah leeyahay isla markaana uu baas fiican ciyaari karo.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.