LIVE DEADLINE DAY: Halkan Si Toos Ah Ugala Soco Dhaq Dhaqaaqa Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maalinta Suuqu Xidhmayo.

Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa xidhmi doona saqda dhexe ee caawa, waxaanay naadiyada waaweyn ee weli hungurigu kaga sii jiro inay laacibiin cusub lasoo saxeexdaan ay ka faa’iidaysan karaan saacadaha kooban ee u hadhsan.

Manchester United ayaa ah kooxda ugu weyn ee laga  hadal hayo suuqa iibka ciyaartoyda ee isha gaarka ah lagu haynayo saacadaha kooban ee ka hadhsan, maadaama ay wali ku raad-joogaan laacibiintii ay doonayeen oo kaliya Donny van de Beek ay kusoo guuleysteen inay lasoo saxeexdaan.

Red Devils ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay si rasmi ah usoo gabogabayso laba saxeex oo cusub oo Solskjaer uu isku illowsiin doono guul-darradii xalay soo gaadhay. Weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani oo hore loo sheegay inay heshiis laba sannadood ah Man United la gaadhay iyo difaaca kooxda FC Porto ee Alex Telles oo u dhashay waddanka Brazil ayay Red Devils warbaahinta usoo bandhigi doontaa sida la filayo.

Laakiin waxa kale oo ay Man United rajo ka qabtaa in Barcelona ay kala soo saxeexan doonto laacibka reer France ee Ousmane Dembele oo ay amaah ku doonayaan, waxaana ishaaro fiican siiyey tababare Ronald Koeman oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey aan soo safin laacibkan, xalayna sheegay in wax waliba ay ku dhici karayaan mustaqbalkiisa.

Barcelona ayaa ah kooxda kale ee indhaha lagu hayo waxa ay ka samayso suuqa iibka, waxaanay diiraddu u saaran tahay weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay oo kooxdiisa Lyon ay qirtay inay suurtogal tahay inuu u dhaqaaqo Camp Nou haddii ay ka heshiiyaan lacagta.

Shabakadaha Gool24.net Iyo Laacib.net oo iska kaashanaya barnaamijka live-ka ah ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaad halkan hoose si toos ah ugala socon kartaa.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.