De Bruyne Mise Henderson? – Da’yarka Man United Ee Scott McTominay Oo Xiddiga Sanadka Ee Premier League Ugu Kala Gar-Qaaday Ragga Ay Xifaaltamaan

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Scott McTominay ayaa xiddigaha Manchester City iyo Liverpool ee Kevin De Bruyne iyo Jordan Henderson u kala doortay midka xilli ciyaareedkan ugu soo wanaagsanaa Premier League.

Abaalmarinta xiddiga sanadka iyo da’yarka sanadka ee Premier League ayaa lagu dhawaaqi doonaa toddobaadyada soo socda iyadoo ay kasoo muuqdeen xiddigo ka tirsan Liverpool, labada Manchester iyo Chelsea.

Xiddiga sanadka ee horyaalkaas ayaa marka laga yimaado tartamayaasha guud u muuqda mid si gaar ahaaneed tartan laba farasle ah u ah oo ka dhaxayn doona De Bruyne iyo kabtanka Liverpool ee Henderson.

Ugu horreynba, Hendo ayaa xilli ciyaareedkan ku hoggaamiyay horyaalka Premier League markii ugu horreysay taariikhda Liverpool isagoo door khaas ah kaga soo hoos ciyaaray tababare Jurgen Klopp.

Dhinaca kale KDB ayaa soo sameeyay bandhig shaqsiyeedkiisii ugu wanaagsanaa waayihiisa ciyaareed isagoo 20 gool oo Premier League ah soo caawiyay sidoo kalena isagu 13 soo dhaliyay.

Haddaba, McTominay oo kala dooranaya xiddigahaas ayaa sheegay inuu Henderson yahay ciyaaryahan fiican balse uu isagu xiddiga sanadka ee Premier League u arko De Bruyne.

“Aniga ahaan midkee ayaan xiddiga xilli ciyaareedka u arkaa De Bruyne ama Henderson? aniga ahaan De Bruyne, isagu waa heer sarre” ayuu yidhi xiddiga ree Scotland.

“Henderson waa ciyaaryahan wanaagsan sidoo kale, wax cajiib ah ayuu xilli ciyaareedkan ku qabtay Liverpool waana amaan weyn oo uu isagu leeyahay”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.