DEG-DEG: Isku Aadka Wareega Siddeeda Iyo Afar Dhammaadka Champions League Oo La Sameeyay & Kulamo Holac Ah Oo Soo Baxay

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa sameeyay isku aadka wareega siddeed dhammaadka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2019-20 xilli tartanka oo mudo dib u dhacay la dhammaystiri doono bisha August.

Isku aadkan oo ah mid xiisahiisa leh ayuu kasoo baxay kulan ay kuwada ciyaari karaan kooxaha Real Madrid iyo Juventus taas oo ka dhigan in weeraryahanka Juve ee Cristiano Ronaldo uu dib ugu laaban karo Santiago Bernabeu oo uu mudo kahor ka baxay.

Walow aan wali la kala bixin kulamada qaar wareega 16-ka haddana isku aadka riyada ayaa ah ciyaarta ay wada ciyaari doonaan midka soo baxa Man City iyo Real Madrid iyo waliba midka soo baxa kooxaha Lyon iyo Juventus.

Wareega 16-ka oo ay kooxahaasi min hal lug ka ciyaareen ayay Man City 2-1 kaga soo adkaatay Real lugtii koowaad halka Lyon ay 1-0 hoggaanka kaga hayso Juventus kaddib ciyaartii lugta hore.

Kooxda xilli ciyaareedkan fursada wanaagsan haysata ee Atletico Madrid ayay rajadeedu kor usii kacday waxaana ay isku beegmeen kooxda ree Germany ee RB Leipzig.

Kulanka kale ee holaca ah ayaa ah in Barcelona iyo Napoli oo lugtii hore bar-bardhac soo galay midkooda soo baxa uu ku beegmi doono midka soo baxa Chelsea iyo Bayern Munich oo ay Bayern lugtii hore 3-0 kusoo adkaatay.

Ugu dambayn, Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa ku dhacday kooxda yar ee ree Talyaani balse bandhigyada waalida ah samaynaysa ee Atlanta.

Isku-Aadka Wareega 8-da Oo Dhammaystiran

Juventus/Lyon vs Real Madrid/Man City

Barcelona/Napoli vs Bayern Munich/Chelsea

Atletico Madrid vs RB Leipzig

Atlanta vs PSG

Isku Aadka Wareega 4-ta Oo Dhammaystiran

Midka soo baxa (Real Madrid/Man City vs Juventus Lyon) ayaa wajihi doona midka soo baxa (Bayern/Chelsea vs Barcelona/Napoli).

Midka soo baxa (Leipzig vs Atletico Madrid) ayaa wajihi doona midka soo baxa (PSG vs Atlanta)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.