Dalkiisa Asalka Ah Ee Nigeria Mise England? Dheemanka Arsenal Ee Bukayo Saka Oo La Weydiiyay Xulka Qaranka Uu Meteli Doono Iyo Jawaabtiisa

Da’yarka kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa ku jira wakhti aad muhiim ugu ah waayihiisa ciyaareed oo uu go’aaminayo midka uu meteli doono labada xul qaran ee kala ah England oo uu joogo iyo dalka asal ahaan uu kasoo jeedo ee Nigeria.

Saka ayaan wali wax wicitaan ah ka helin xulalka Nigeria iyo England midkoodna balse waxa uu samaynayaa bandhigyo cajiib ah oo uu kusoo jiidanayo labada dhinacba.

Isaga oo kaliya 18 sano jir ah ayuu Saka u baahan doonaa inuu si taxadar leh u gaadho mid kamida go’aanada ugu adag ee noloshiisa isagoo kaashanaya qoyskiisa.

Bukayo Saka oo Sky Sports waraysi uu siiyay lagu weydiiyay wax ku saabsan qaranka uu meteli doono ayaa sheegay inuu go’aankaasi mid adag yahay oo uusan wali xul dooran.

“Waa xulasho adag, waan ku faraxsanahay inaan England soo metelay heer da’yar laakiin anigu sidoo kale waan ku han weynahay dhaxalkayga Nigerian ee waalidkay” ayuu ugu horreynba yidhi Bukayo Saka.

“Wali maanu dooran xulna sidaas darteed waa arrin qusaysa inaan ahaado mid aan isla weyneyn marka uu wakhtigu yimaadana waanu qaadan doonaa go’aanka”

Tababaraha xulka England ee Gareth Southgate ayaa isha ku haya inuu u waco Bukayo Saka, Mason Greenwood oo wacdarro ku dhigaya Man United iyo Jude Bellingham oo dhawaan noqday 17 sano jirka ugu qaalisan abid kubadda cagta kaddib heshiis 25 Milyan oo Pound ah oo uu Borussia Dortmund ugu wareegay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.