DAGAALKA TOP 6: Halkan Kaga Bogo 14ka Kulan Ee Si Rasmi Ah U Go’aamin Doona Kaalmaha Champions League & Europa League Loogu Soo Baxayo Oo Kooxaha Xaalada Xun Gali Kara.

Tartanka kaalmaha Champions league loogu soo baxayo xili ciyaareedka soo socda ayaa noqday kuwo xiiso badan isla markaana ay kooxo badani rajo ka qabaan in ay boos ka helaan afarta sare.

Kaalinta kowaad waxaa hubaal ka dhigatay Liverpool oo ah kooxda kaliya ee ilaa hadda Champions League booKiisa sii xaqiijisatay kadib markii ay koobka ku guulaysteen, waxaana kaalinta labaad iska yeelatay Manchester City oo aan wali ogayn in  ganaaxii labada sanado ahaa laga qaadi doono.

Waxay tani la micno tahay in kaalmaha saddexaad iyo afraad yihiin kaalmaha sida wayn ay ugu daagalamaayan kooxo badani waxaana jiri karta fursad kooxda kaalinta shanaad ku dhamaysataa ay Champions League ugu soo bixi karto haddii Man City lagu sii hayo ganaaxa Champions league ee ay rafcaanka ka qaateen.

Kooxaha Leicester City, Chelsea, Man United, Arsenal iyo Wolves ayaa dhamaantood haysta dhibco ay wali rajo uga qabaan in ay ugu soo bixi karaan kaalmaha sare ee Champions league laakiin fursadaha ay haystaan ayaa gabi ahaanba kala duwan.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa dhamaan kooxaha tartanka ku jira ee kaalmaha sare u dagaalamaya iyo kulamada baaqiga uga ah xili ciyaareedka Premeir League.

Marka hore aan idin xusuusiyo kalaa saraynta kaalmaha sare iyo kooxaha uu dagaalka ugu wayni ku dhex marayo kaalmaha sare ee Champions league loogu soo baxayo ee kadib kulamadii

Image

Waxaa jira 14 kulan oo saamayn toos ah ku yeelan doona kaalmaha Champions League loogu soo baxayo iyo sidoo kale kaalmaha Europa League loogu soo gudbayo.

Halkan kaga bogo Dhamaan kulamada u hadhsan kooxaha kaalmaha sare ee Champions league iyo Europa League loogu soo baxayo ku tartamaya waxaanad si gaar ah u arki kartaan kulamada calaamadsan ee saamaynta ugu badan yeelan doona.

Kulamada Leicester City U Hadhsan

July 7 – Arsenal (A)

July 12 – Bournemouth (A)

July 15 – Sheffield United (H)

July 18 – Tottenham (A)

July 26 – Manchester United (H)

Kulamada Chelsea U Hadhsan

July 7 – Crystal Palace (A)

July 11 – Sheffield United (A)

July 15 – Norwich (H)

July 18 – Liverpool (A)

July 26 – Wolves (H)

Kulamada Man United U Hadhsan

July 9 – Aston Villa (A)

July 13 – Southampton (H)

July 15 – Crystal Palace (A)

July 18 – West Ham (H)

July 26 – Leicester (A)

Kulamada Wolves U Hadhsan

July 8 – Sheffield United (A)

July 12 – Everton (H)

July 15 – Burnley (A)

July 18 – Crystal Palace (H)

July 26 – Chelsea (A)

Kulamada U Hadhsan Arsenal

July 6-Leicester City (H)

July 12-Tottenham (A)

July 15-Liverpool (H)

July 21-Aston Villa (A)

July 27-Watford(H)

Kulamada Tottenham U Hadhsan

July 6 – Everton (H)

July 9 – Bournemouth (A)

July 12 – Arsenal (H)

July 15 – Newcastle (A)

July 18 – Leicester (H)

July 26 – Crystal Palace (A)

Kooxahee ayaad filaysaa in ay afarta sare ku dhamaysan doonaan oo ay Champions League u soo bixi doonaan dhamaan kooxaha halkan ku tartamaya?

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

8 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.