Kevin De Bruyne Oo Ka Cadhaysan Premier League Oo Diiday Inuu Dhaafay Rikoodhkii Thierry Henry & Sababta Yaabka Leh Ee Looga Diiday Caawin Uu Sameeyey

Kevin De Bruyne ayaa xalay barbarreeyey rikoodhkii caawinta ee horyaalka Premier League uu ka dhigay halyeygii Arsenal ee Thierry Henry, laakiin waxa uu xiddiga reer Belgium rumaysan yahay inuu mar horeba dhaafay rikoodhkan oo uu ka caawin badan yahay Henry.

De Bruyne ayaa laba gool u dhaliyey Manchester City kulankii ugu dambeeyey horyaalka ee ay Norwich ku burburiyeen 5-0, waxaanu raacsaday gool caawin ah oo uu kula sinmay Henry oo xili ciyaareedkii 200/03 sameeyey 20 caawimood xili ciyaareed kaliya gudihiisa.

Laakiin Kevin de Bruyne waxa uu rumaysan yahay in horyaalka Premier League uu caddaalad darro ku sameeyey, isla markaana ay ka diideen gool uu dhaliyey bishii December si lugta loogu qabto Henry oo aanu rikoodhkiisa u dhaafin.

29 jirkan ayaa bishii December waxa kulan ay Man City 3-0 ku garaacday Arsenal uu caawin qurux badan u sameeyey Raheem Sterling oo gool dhaliyey, laakiin kubadda ayaa kusii dhacday mid ka mid ah difaacyahannada Arsenal ka hor intii aanay Sterling gaadhin.

Sababtaas darteed, ayuu maamulka Premier League meesha uga saaray caawinta Kevin de Bruyne, balse isagu waxa uu rumaysan yahay in wali uu caawintaas sameeyey, rikoodhka Henry na uu dhaafay oo mid isaga u gaar ah uu meel u yaallo.

Dadka qaar ayaa usoo jeedinaya inuu rafcaan qaato si loogu xukumo caawintan oo uu u noqday ciyaartoygii ugu caawinta badnaa horyaalka Premier League abid.

Isaga oo warbaahinta la hadlay xalay markii la guddoonsiiyey kubbad-sameeyihii ugu wanaagsanaa horyaalka Premier League, ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan sameeyey laba caawimood oo kale oo dheeraad ah. Nimankow labadaas ayaad iga qaadateen. Laakiin wali waxaan ku doodayaa mid ka mid ah. Anigu mar hore ayaan gaadhay heerka rikoodhkii Henry.”

Halkan ka daawo caawinta laga diiday Kevin De Bruyne: 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.