DAAWO: Yaa Dhaliyey Goolkii Ugu Qurux Badnaa Xili Ciyaareedka Premier League? SADDEXDA Laacib Iyo Saddexda Gool Ee La Tartansiiyey

Barnaamijka Match of the Day ayaa shaaciyey goolkii ugu qurux badnaa ee laga dhaliyey horyaalka Premier League xili ciyaareedka Axaddii shalay lasoo gabo-gabeeyey, waxaana ku tartamay toban laacib oo ay saddex ka mid ahi isku soo hadheen, ka hor intii aan hal gool oo qurux badnaa laga soo xulin.

MOD oo ka baxa telefishanka BBC Sports oo ay fadhiyeen khubrada ciyaaraha ee ay ka midka yihiin Gary Lineker, Ian Wright iyo Alan Shearer ayaa waxay si wada jir ah saddexdoodu usoo xuleen goolashii ugu quruxda badnaa ee xili ciyaareedkan la dhaliyey, kuwaas oo ay taageereyaasha kubadda cagta u bandhigeen si ay codkooda uga soo dhiibtaan.

Tobanka gool ee ugu sarreeya, ayaa waxa ka mid noqday midkii cajiibka ahaa ee Kevin de Bruyne uu ka dhaliyey Norwich ciyaartii shalay ee ay 5-0 ku burburiyeen, hase yeeshee Anthony Martial oo isaguna Watford shabaqeeda ku hubsaday gool layaab lahaa ayaanu midkiisu ka maqnayn qiimaynta.

Laacibka reer Koonfur Korea ee Son Heung-min ayaa ku guuleystay goolkii ugu quruxda badnaa, waxaanu ahaa mid uu kubadda kasoo qaatay goolkiisa horteeda oo uu sidii ay difaaca Burnley isku eryanayeen uu goolka kale la tegay, kaddibna shabaqa ku hubsaday.

Goolkan oo uu Son Heung-min dhaliyey bishii December ee sannadkii hore, waxa kusoo xigay goolka uu Martial ka dhaliyey Watford iyo gool uu Kevin de Bruyne ka dhaliyey Newcastle United horraantii xili ciyaareedka.

Saddexda gool ee ugu quruxda badan halkan ka daawo

Tobanka gool ee ugu quruxda badnaa

Kevin de Bruyne ayaa laba gool ku yeeshay tobanka gool ee ugu quruxda badan, mana jiro ciyaartoy kale oo tiradiisa oo kale ku yeeshay, hase yeeshee Liverpool ayaa ku yeelatay laba ciyaartoy oo kala ah Mohamed Salah iyo Fabinho.

 

 

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.