DAAWO: Bruno Fernandes Iyo Victor Lindelof Oo Isku Dhacay, Ereyadii Aflagaadda Ahaa Ee Ay Is Weydaarsadeen Iyo Wixii Ay Isku Qabsadeen

Xiddigaha Manchester United ee Bruno Fernandes iyo Victor Lindelof ayaa hadallo kulul oo aflagaaddo ah isku weydaarsaday garoonka intii ay socotay ciyaartii semi-finalka Europa League ee ay Sevilla 2-1 ku garaacday Manchester United.

Fernandes ayaa Red Devils u dhaliyey gool waqti hore ah oo rikoodhe ahaa, laakiin qaladaad ay sameeyeen difaaca Red Devils iyo ciyaartoyda afka  hore oo ka faa’iidaysan waayey fursadihii ay heleen ayaa sababay in Sevilla ay la timaaddo laba gool oo labadii qaybood ee ciyaarta kala dhashay.

Goolka hore ee Sevilla oo uu dhaliyey Suso wax canaan badan ah kuma lahayn goolhaye De Gea, laakiin difaaca ayaa isku dhex daadsanaa inkasta oo aanu jirin shaqsi si gaar ah eedda loo saari karayey, hase yeeshee goolka dambe ee De Jong ka dhaliyey ayay qalad weyn sameeyeen Victor Lindelof iyo Wan-Bissaka.

Xilli ay niyad-jabka goolka u taagan yihiin, waxa Lindelof u yimid Bruno Fernandes oo dhab ahaan noqday hoggaamiyaha kooxda oo xataa ka gilgilanaya qaladaadka ay ciyaartoydu sameeyaan.

Bruno Fernandes ayaa ku canaantay Lindelof qaladka uu sameeyey, waxaanu ku ganay ereyo adag oo ka cadhaysiiyey Lindelof. Sida ay kaamirooyinka garoonka ku xidhan soo qabteen, waxa uu Fernandes oo aad u cadhaysnaa wax ka sheegay hooyada dhashay Lindelof, waxaanu difaacani kaga falceliyey aflagaaddo kale iyo isagoo xataa gacmaha ku saydhiyey.

Ma jirin ciyaartooyo Manchester United ah oo kala kexeeyey Bruno Fernandes iyo Victor Lindelof si aanu murankoodu u sii soconin laakiin iyaga ayaa iskood u kala dhaqaaqay markii ay ereyo aflagaaddo ah is weydaarsadeen.

Guul-darradan soo gaadhay Manchester United ayaa ka dhigan in Ole Gunnar Solskjaer aanu wax koob ah ku guuleysan xili ciyaareedkan, isla markaana bandhiggii fiicnaa ee ay kusoo jireen qaybtii dambe ee xili ciyaareedka uu ku dambeeyey faro madhan.

Europa League oo ay kaga hadheen Semi-final iyo FA Cup oo ay isagana semi-finalkii ku garaacday Chelsea, waxay ahaayeen labada koob ee ay ugu dhoweyd Manchester United ee ay ku guuleysan karaysay marka laga eego kulamada uga hadhsanaa koobka.

Halkan ka daawo caydii ay is weydaarsadeen Fernandes iyo Lindelof

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

  1. Linde lofe was very wrong and Burno is the best play and he is good speared person if the player hasn’t speared it means he is without blood like cog recht and mast out the team

Leave a Reply

Your email address will not be published.