Cristiano Ronaldo Iyo Sergio Ramos Oo Aan LABA Sano Wada Hadal & Xiddiga Real Madrid Ka Tirsan Ee Sababay Inay Isku Dhaceen

Hoggaamiyayaasha wakhtigan ee kooxaha Real Madrid iyo Juventus ee Sergio Ramos iyo Cristiano Ronaldo oo 15 koob si wadajir ah ugu soo guuleystay ayaa la sheegayaa inaysan hadda ahayn kuwo hadalku ka dhaxeeyo.

Labadan xiddig ee hore uga soo wada tirsanaa Real Madrid ayaa caawa dib u midoobi doona marka ay xulalkooda Spain iyo Portugal kulmayaan balse aan mudo laba sano ah u wada hadal sababta Luka Modric iyo guushiisii Ballon d’Or ee 2018-kii.

Sergio Ramos backs team-mate Luka Modric and aims sly dig at Cristiano Ronaldo - Sport360 News

Sida uu sheegayo wargeyska Marca, Ramos iyo xiddigaha kale ee Real Madrid marka laga reebo Marcelo Vieira  ayaa dhammaantood hadalka iyo xidhiidhka ka goostay Ronaldo kaddib qaabkii uu uga hadlay guushii Modric ee Champions League.

Ronaldo ayaa wakhtigaas si cadaan ah u sheegay inuu aaminsanaa inuu qabtay shaqo ku filan si uu sanadkaas u noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyay ee abid lix Ballon d’Or ku guuleysta kahor intii uusan Modric hanan.

CR7 oo aragtidiisa u sheegay saxaafada Talyaaniga ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Dabcan waan niyad jabsanahay laakiin noloshu way socotaa waxaanan sii wadi doonaa inaan si adag u shaqeeyo”

“Garoonka dhexdiisa waxaan sameeyay waxkasta si aan ugu guuleysto Ballon d’Or, tirooyinku been ma sheegaan laakiin ma ihi mid aan faraxsanayn haddii aanan ku guuleysan, waxaan leeyahay asxaab iyo qoys cajiib  ah, waxaan u ciyaaraa mid kamida kooxaha ugu wanaagsan dunida (Juve)”

Kulanka caawa ayaa noqon doona midkii ugu horreeyay ee ay Ronaldo iyo Ramos si fool ka fool ah iskaga hor yimaadaan tan iyo markii uu Ronaldo ka dhaqaajiyay Bernabeu.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.