CODDAYN: Jamaahiirta Oo Codkooda Ku Go’aamiyay Tababarihii Ugu Fiicnaa Xilli Ciyaareedkan Premier League – Klopp, Lampard Mise Wilder?

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa saaka ka qayb qaatay coddayn ay samaysay BBC Sport oo lix tababare oo xilli ciyaareedkan shaqo wanaagsan qabtay lagaga dhex xulanayay midka ugu fiicnaa xilli ciyaareedka oo dhan.

Liiska lixdan tababare ayuu guuleystaha ka noqday macalinka horyaalka Premier League kusoo hoggaamiyay Liverpool ee Jurgen Klopp, si lamid ah Premier League, Jurgen ayaa Reds ku hoggaamiyay UEFA Super Cup iyo Club World Cup.

Sheffield United boss: What makes Klopp different

Xilli ciyaareedkii Premier League ee dhawaan dhammaaday ayaa sanad khaas ah u ahaa qofkasta oo xidhiidh la leh Liverpool waxaana ay guushu ugu dambayn iskugu biyo shubanaysaa Klopp oo ahaa maskaxda ka dambaysay.

53 sano jirka ree Germany ayaa bedelay gabi ahaanba Liverpool iyagoo haatan ah hormoodka Englan, Yurub iyo dunida oo dhan.

Liiska lixda tabababare ee tartamayay:

  • Jurgen Klopp (Liverpool)
  • Nuno Espirito Santo (Wolves)
  • Chris Wilder (Sheffield United)
  • Sean Dyche (Burnley)
  • Frank Lampard (Chelsea)
  • Brendan Rodgers (Leicester City)

Lixdan macalin ayuu midkasta haystaa sabab lagu soo xulan karo, tusaale ahaan Jurgen Klopp ayaa Liverpool ku hoggaamiyey horyaalkeedii ugu horreeyay mudo 30 sano ah isagoo 18 dhibcood ka sarreeyay kooxda labaad ee Manchester City.

Sidoo kale tababarah cadaadiska saaray Klopp coddayntan dhexdeeda ee Chris Wilder ayaa Sheffield United oo uu heerka labaad kala soo baxay ku dhaweeyay inay tartamada Yurub ka qayb galaan xilli ciyaareedka dambe kahor intii aysan guuldarrooyin la kulmin saddexdii kulan ee u dambeeyay.

Sidoo kale sababta weyn ee uu Lampard tartamaha ku yahay ayaa ah inuu la wareegay Chelsea oo suuqu ka xidhan yahay, Eden Hazard uu u waayay Real Madrid balse uu ku guuleystay inuu booska afraad keeno.

Halkan Kaga Boggo Sida Coddayntan Loo Kala Helay

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.