Chelsea, Real Madrid Mise Juventus? Kooxda Ugu Cad Cad Saxeexa “New Virgil Van Dijk” Oo La Ogaaday

Wakiilka da’yarka Xavier Mbuyamba oo dhawaan ka tagay kooxda Barcelona ayaa shaaca ka qaaday tiro kooxo ah oo uu ka xusay Real Madrid, Chelsea, Juventus iyo Inter Milan inay xiiso u qabaan xiddigiisa oo lagu sifeeya hoggaamiyaha Liverpool ee Virgil Van Dijk oo cusub.

Da’yarkan aad loo qiimeeyo ayaa Barcelona ku biiray suuqii xagaaga ee sanadkii hore isaga oo kaga wareegay dhinaca kooxda MVV Maastricht.

Barca defender Xavier Mbuyamba on the radar of Chelsea | ftbllr

Wakiilka 18 sano jirkan ree Holland ayaa sheegay in kooxda ugu dalabka wanaagsan dhammaan kooxaha xiddigiisa doonaya ay tahay kooxda Chelsea oo uu ku sifeeyay mid heshiis soo jiidasho leh usoo bandhigtay.

Mbuyamba ayaa sanadkii hore tababar la sameeyay Chelsea balse wakhtigaas awoodi waayay inuu u wareego maadaama oo uu heshiis kula jiray Barcelona.

Laakiin da’yarkan ayaa Barcelona iskaga tagay 30-kii bishii June markii heshiiskiisii halkaasi dhacay waana sababta ay haatan Blues u doonayaan inay heshiis joogto ah kula wareegaan.

Xavier Mbuyamba ayaa kaliya saddex kulan u ciyaaray Barcelona kulamadii UEFA ee koobka da’yarta mana aysan kulamadaasi noqon kuwo hubaanti ka dhiga in mustaqbalkiisa uu Camp Nou yaalo.

Wakiilka Xavier ayaa isaga oo arrimaha xiddigiisa ka faaloonaya yidhi “Ku dhawaad dhammaan kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa wax ku saabsan Xavier na weydiiyay”

“Real Madrid ayaa sidoo kale halkaas joogta, iyagu waa kuwo xaqiiqo ka ah habka da’yartooda laakiin taasi dabcan waxa ay noqon doonaa u wareegis xasaasi ah”

“Juventus iyo Inter ayaa xiisaynaya sidaas si lamid ah kooxo sarre oo Germany iyo England ah, Chelsea ayaa haysata fursadaha ugu wanaagsan, dabcan waxaanu arrintan si ka baxsan uga wada hadalnay sanadkii hore”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.