Chelsea Oo Saxeex Weyn Qarka U Saaran, Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Neymar & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Dabcan waxaan wali si rasmi ah u furmin suuqa kala iibsiga ee xagaaga waxaana lagu jiraa bishii July balse kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub ayaa ah kuwo u tafo-xaydanaya suuqa iyagoo sii dajinaya qorshayaasha ay ku galayaan.

Inuu kubaddii cagta hakiyay fayraska Korona walow horyaalada qaar dib loo bilaabay ayaa dhalisay in kooxaha kala duwan gaar ahaan raga suuqa u qaabilsani ay helaan wakhti badan oo ay suuqa kaga faaloodaan.

Wargeysyada Transfer News

Manchester City iyo Juventus ayaa kaga hormaray Barcelona tartanka loogu jiro saxeexa garabka Wolves ee Adama Traore oo 24 sano jir ah. (ESPN)

Chelsea ayaa boos wanaagsan u joogta saxeexa 21 sano jirka Bayer Leverkusen ee Kai Havertz kaas oo ay kooxo badani dib uga gurteen qiimaha 90-ka Milyan ee Pound ah ee ay kooxdiisu ku doonayso. (Goal)

Inuu Chelsea ka tago xiddiga xulashada tababare Frank Lampard hoos uga dhacay ee Jorginho ayaa furre u noqon karta heshiiska uu Havertz ugu soo wareegayo Blues. (Mirror)

Barcelona ayaa Tottenham wax ka weydiisay saxeexyada Tanguy Ndombele iyo Ryan Sessegnon oo ay doonayaan inay heshiisyo ciyaaryahano is-dhaafsi kaga helaan. (Evening Standard)

Spurs ayay suurogal tahay inay heshiis amaah ah u raadiyaan Ryan Sessegnon xilli ay jiraan cabsiyo laga qabo in horumarka 20 sano jirkaasi uu u istaagayo sababta Jose Mourinho. (Telegraph)

Borussia Dortmund ayaa 10-ka August kama dambays uga dhigtay Manchester United si ay u dhammaystiraan saxeexa Jadon Sancho. (Mirror)

Weeraryahanka xulka England iyo kooxda Chelsea ee Tammy Abraham ayaa kooxdiisa u sheegay inuu doonayo qandaraas cusub oo uu mushahar ahaan toddobaadkii u qaadanayo £130,000. (Times – subscription required)

Tababaraha West Ham United ee David Moyes ayaa qiimaynaya inuu u dhaqaaqo xiddigaha Man United ee Phil Jones iyo Jesse Lingard. (Independent)

Arsenal, West Ham iyo Everton ayaa xiisaynaya saxeexa daafaca Athletic Bilbao ee Unai Nunez . (AS, via Sport Witness)

Weeraryahankii hore ee kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge oo haatan bilaa koox ah ayaa jeclaan lahaa inuu ku biiro kooxaha horyaalka Ligue 1 amaba MLS-ka midkood. (L’Equipe – in French)

Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay inaysan u badnayn in kooxdiisu ay Neymar JR oo PSG ka tirsan lasoo saxeexanayso xagaagan. (RAC1 – in Spanish)

Saint-Etienne ayaa rajaynaysa inay sii haysato xiddiga Arsenal amaahda kagala jooga ee William Saliba Final-ka French Cup-ka walow ay isku af-garan waayeen heshiis 2.3 Milyan Pound ah oo uu kooxda kusii joogayo. (Mirror)

Barcelona ayaa meel saartay mustaqbalka weeraryahanka kooxdeeda ee Antoine Greizmann iyaga oo u arka inuu qayb ka yahay qorshahooda xilli ciyaareedka dambe. (L’Equipe – in French)

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.