Chelsea Oo Doonaysa Xiddig Real Madrid Ah, Aubameyang Oo Dalbaday In Arsenal Lasoo Saxeexato Ousmane Dembele & Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Salaasa ah:

Arsenal ayaa dalab u dirtay xiddiga Chelsea iyo Brazil garabka weerarka uga ciyaara ee Willian, waxaanay doonaysaa inuu u saxeexo heshiis saddex sannadood ah. 31 jirkan ayaa horraantii toddobaadkan iska diiday laba sannadood oo heshiis ah oo ay Chelsea u bandhigtay, waxaanu si xor ah uga tegi doonaa marka uu tartanka Champions League soo dhamaado. (Guardian)

Arsenal waxa kale oo ay doonaysaa xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho oo Barcelona kaga maqan amaah ay ku siisay Bayern Munich iyo sidoo kale kubbad-burburiyaha reer Ghana ee Thomas Partey oo ah 27 jir u ciyaara Atletico Madrid. (Times)

Weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang wuxuu doonayaa inuu ku arko Emirates Stadium laacibka reer France ee afka hore uga ciyaara Barcelona ee Ousmane Dembele oo 23 jir ah. (Le10Sport)

Manchester United waxay ku dhow dahay inay heshiis la saxeexato 20 jirka reer England ee Jadon Sancho oo shan sannadood qalinka ugu duugaya. United iyo Borussia Dortmund ayaa dhamaystay inta badan wada-xajoodka ay ku kala iibsanayaan laacibkan. (Mail)

Manchester United waxay sugi doontaa illaa waqti dambe oo xagaagan ah inay u dhaqaaqdo kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish oo 24 jir ah. (Mail)

Inter Milan waxay si rasmi ah ula wareegaysaa xiddiga reer Chile ee garabka ka ciyaara ee Alexis Sanchez oo 31 jir ah, waxaanay Manchester United u shubi doontaa lacag dhan £13.5 milyan Gini, iyadoo heshiiskana lagu dhawaaqi doono marka ay dhamaato ciyaarta Arbacada ee Europa League ee Getafe. (Corriere della Ser)

Tababaraha Chelsea, Frank Lampard ayaa shan ka mid ah difaaca kooxdiisa suuqa dhigaya, waxaanu qorshihiisu yahay inuu lasoo wareego difaaca bidix ee Leicester City ee Ben Chilwell oo 23 jir ah. (Times)

Chelsea waxay xiisaynaysaa difaaca bidix ee Real Madrid ee Sergio Reguilon oo 23 jir ah, laakiin waxa iyaduna £18 milyan oo Gini dul-dhigtay Everton. (Sky Sports)

Paris St-Germain waxay doonaysaa inay iibiso laacibka khadka dhexe ee Idrissa Gueye, waxaana laacibkan reer Senegal xiisaynaysa Wolves. (Le10Sport)

AC Milan ayaa waxay tartan kala kulmaysaa Bayer Leverkusen oo ku haysata difaaca Norwich City ee Ben Godfrey oo ah 22 jir lagu qiimeeyey £30 milyan oo Gini. (Sky Sports)

Lazio, Tottenham, RB Leipzing, Everton iyo PSV Eindhoven ayaa dhamaantood doonaya difaaca dhexe ee reer Koonfur Korea ee Kim Min-Jae oo 23 jir ah. (Gazzetta dello Sport)

Difaaca Tottenham iyo England ee Danny Rose oo 30 jir ah ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu sii joogo kooxdaas oo uu hadda amaah kaga maqan yahay, muddada sannadka ah ee ka hadhay heshiiskiisa. (Guardian)

Aston Villa, Leeds United, Newcastle United iyo West Ham ayaa dhamaantood doonaya laacibka khadka dhexe uga ciyaara Crystal Palace ee James McCarthy oo ah 29 jir u dhashay Republic of Ireland. (90min).

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.