Chelsea Ma Horumar Ayay U Tahay Haddii Declan Rice Lagu Bedelo N’Golo Kante? Halyeey Hore Oo Jawaab Muran Badan Bixiyay

Xiddigii hore ee kubadda cagta England ee Darren Bent ayaa banaanka keenay aragti layaab leh oo la xidhiidha haddiiba ay kooxda Chelsea horumar u tahay inay bur-buriyaha West Ham United ee Declan Rice bedel uga dhigto N’Golo Kante oo kooxdeeda ka tirsan.

Rice oo 21 sano jir ah ayaa kamida xiddigaha da’yarta ah ee Premier League kuwooda ugu cajiibsan waxaana uu muddooyinkii ugu dambeeyay boos joogto ah ka helay shaxda tababare Gareth Southgate ee England.

Chelsea bán Kante cho Inter, dồn tiền ký Declan Rice

Kante oo dhinaciisa laba jeer kusoo guuleysrtay horyaalka Premier League iyo waliba koobka aduunka ayaa xilli ciyaareedyadan ugu dambeeyay kusoo dhibtooday qaab ciyaareedkiisa oo aan joogto ahayn iyo waliba taam ahaanshihiisa.

Haddaba, Darren Bent oo talkSPORT aragtidiisa u sheegayay ayaa sheegay in ay Chelsea faa’ido ugu jirto isla markaana horumar uun ka qaadi doonto haddiiba ay Rice ku bedesho Kante waana fikrad aysan la wadaagin dad badan oo Kante midka booskiisa ugu fiican caalamka u arka.

Bent ayaa yidhi “Aniga ahaan Declan Rice waxa uu noqon lahaa kor u qaadis (Chelsea ah) maaha kaliya inuu doorkaas si aad iyo aad u wanaagsan uga ciyaari karo, waxa uu galayaa garoonka, waxa uu leeyahay tamar wanaagsan kulankana si fiican ayuu u akhriyaa”

“Sidoo kale kaliya intaas maaha, waxa uu ka ciyaari karaa daafaca dhexe, kuwaasi waa laba boos oo uu ka ciyaari karo”

“N’Golo Kante waxa uu soo ahaa xirfadle kubadda cagta ah oo cajiib ah walina wuu yahay, Leicester ayuu kula guuleystay Premier League, Chelsea ayuu tagay wuxuuna ku guuleystay Premier League waxaana uu ku guuleysytay koobka aduunka 2018 waxaanan filayaa inuusan laba sano iyo badh doorkaas ka ciyaarin”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.