Chelsea Iyo Southampton Oo Bar-Bardhac Galay Kulan LIX Gool Dhasheen, Vestergaard Oo Blues Naxdin Ku Dilay & Havertz Iyo Werner Oo London Soo Gaadhay

Kooxaha Chelsea iyo Southampton ayaa bar-bardhac ku galay Stamford Bridge kulan xiiso badnaa oo lix gool la iska soo dhaliyay, kulankan ayaa ahaa mid ay kooxda martida loo ahaa goolasha ka heshay saxeexyadeeda cusub kahor inta aysan Saints la keenin.

Saxeexyada cusub ee Chelsea ee Timo Werner (2 gool) iyo Kai Havertz ayaa shabaqa la gaadhay goolashoodii u horreeyay iyagoo lagu sifayn karo kuwa hadda si dhab ah usoo caga dhigtay carriga England iyo magaalada London  halka ay Southampton goolasha ka heshay Ings, Che Adams iyo Vastergaard.

Image

Shaxdii Kulankan Ee Labada Kooxood

Southampton: McCarthy, Walker-Peters, Vestegaard, Bednarek, Bertrand, Romeu, Ward-Prowse, Redmond, Adams, Walcott, Ings

Keydka: Forster, Stephens, Long, Obafemi, Valery, Tella, Diallo

Chelsea: Kepa, Azpilicueta, Christensen, Zouma, Chilwell, Kante, Jorginho, Mount, Havertz, Pulisic, Werner

Keydka: Caballero, Abraham, Tomori, Giroud, Hudson-Odoi, Ziyech, James

Faah-Faahinta Kulanka

Chelsea ayaa qaab xoogan ku bilaabatay kulankan, weeraryahan Timo Werner ayaa gool laga diiday daqiiqadii 14-aad iyadoo Offside loo xisaabiyay.

GOOOAL: Werner ayaa daqiiqad kaddib markii goolka loo diiday helay goolkiisii koowaad ee abid Premier League ah, Timo ayaa kubad uu ka helay Ben Chilwell la hormaray daafacyada Saints isaga oo si sahlan goolka oo uu hortaagnaa jiho hoose kubadda kaga dhaliyay.

GOOAL: Markale Timo, dhaliyaha ree Germany ayaa baas qurux badan oo fog ka helay Jorginho waxaana uu si habsami leh u xakameeyay kubadda oo uu ka dul qaaday goolhaye McCarthy oo soo baxay isaga oo goolka oo banaan madax raaciyay kubadda uu goolhayaha kasoo dulqaaday.

Zouma ayaa kubad koorne ahayd oo uu Chilwell soo qaaday madax fiican ku leexiyay laakiin goolhaye McCarthy ayaa badbaadin fiican goolkiisa kaga duway

GOOAL: Danny Ings ayaa gool usoo celiyay Southampton kahor wakhtiga nasashada, Adams ayaa kubadda kasoo boobay Kai Havertz waxaana uu u furay Ings oo maray goolhaye Kepa si sahlana goolka oo banaan ku dhaliyay kubadda.

Qaybta hore ayaa ku dhammaatay hoggaan 2-1 ah oo ay Chelsea haysatay, Blues ayaa wakhtigii hore maamulka ciyaarta lahaa balse Saints ayaa halis abuurayay intii dambe.

GOOAL: Southampton ayaa daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta la timid goolka bar-bardhaca, Zouma ayaa sameeyay qalad dilaa ah waxaana uu baaska ka gaabiyay Kepa, Adams ayaa kubadda dhaafiyay Kepa waxaana uu isku dayay inuu goolka oo banaan u hordhigo Ings balse Christensen ayaa kansalay, markale Adams ayaa kubadda helay si xoogana goolka u dhex dhigay.

GOOAL: Bar-bardhaca Southampton ayaan waarin, Pulisic ayaa baas u furay Werner oo dhex maray xiddigaha Saints isla markaana goolka afkiisa hore kubadda u dhigay Kai Havertz oo si sahlan kubadda goolka ugu leexiyay.

Che Adams oo kulankan wacdarro ka dhigay ayaa ku dhawaaday inuu goolka bar-bardhaca ka dhaliyo markale Chelsea laakiin kubad uu geeska midig ee garoonka ka laagay ayaa waxyar birta goolka u martay.

GOOAL: Goolka dhimashada Chelsea ayaa yimid daqiiqadii 92-aad ee kulanka, daafaca dhexe ee Vestergaard ayaa kubad soo booday oo uu laag ku celiyay Theo Walcott madaxa si fiican u raaciyay kuna qasbay kepa inuu gaadhi waayo.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.