CAJIIB!! 24 Khabiir Oo BBC Sport Ka Hawl Gala Oo Saadaal Buuxda Ka Bixiyay Afarta Kaalmood Ee Sare Ee Premier League Kooxaha Ku Dhamaysan Doona.

Sabtida waxaa si rasmi ah u furmaya xili ciyaareedka cusub ee Premeir League ee 2020/2021 waxaana loo arkaa xili ciyaareed ka duwanaan kara xili ciyaareedyadii la soo dhaafay maadaama oo ay kooxo badani dadaal ugu jiraan in ay xoojin badan kooxahooda u sameeyaan.

Liverpool waxay xili ciyaareedka ku bilaabanaysaa iyada oo ah kooxda difaacanaysa koobka Premier League ee loo tartamayo waxayna isla Anfield ku soo dhawayn doontaa kooxda koobka heerka labaad ku soo guulaysatay ee Leeds United.

Haddaba waqtigan oo kale inta aanu xili ciyaareedku bilaamin waxay inta badan khabiirada kubbada cagtu bixiyaan sadaal marka uu dhamaado dib u qiimayn lagu sameeyo.

24 khabiir oo ka hawl gala BBC Sport ayaa saadaal buuxda ka bixiyay kooxda koobka Premeir League ku guulaysan doonta iyo kooxaha afarta sare ee Champions League loogu soo baxayo ku dhamaysan doona.

Laakiin waxaa layaab noqotay in 23 khabiir oo ka mid ah 24 kan khabiir ee BBC Sport ay isku raaceen in koobka Premier League uu dhexayn doono kooxaha Liverpool iyo Man City iyada oo hal khabiir oo kaliyi uu aaminsan yahay in Man United ay koobka ku guulaysan karto.

Waxa kale ee xiisaha badan leh ayaa ah in khabiir kasta oo ka mid ah 24kan uu sameeyay kaalinta kowaad, labaad, saddexaad iyo afraad kooxaha ku dhamaysan doona taas oo iyada lafteedu xog kale ka soo baxday.

10 khabiir oo BBC Sport ka mid ah ayaa aaminsan in Manchester City ay koobka Premier League ku guulaysan doonto laakiin 13 kale ayaa u codeeyay in Liverpool ay koobka Premier League difaacan doonto oo ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaysan doonto.

Halka khabiir ee kale waxa uu u codeeyay in Man United ay koobka Premier leauge markii ugu horeeyay ku guulaysan doonto tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson kooxda ka hawl gabay sanadkii 2013 kii.

Haddaba halkan si buuxda ugaga bogo qiimaynta min kaalinta kowaad ilaa afraad ee 24ka khabiir ee BBC Sport ee saadaasha ka bixiyay horyaalka Premier league.

p1ehuntj2d17h11q8hd86ecu1hcq9.jpg

Haddaba akhriste, siddeed saadaashan ay khabiirada badan isku firkrada ka noqdeen u aragtaa? Ma Filaysaa in koox aan Man City ama Liverpool ahayni ay xili ciyaareedkan koobka Premier league ku guulaysan doonto?

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

36 Comments

  1. Kkkkk 13khabiir meley izkuraacady maxaad kasugu nio liverpool marlabad ooxariir ah kuguleysan donta premeir leage xiliciyareskihore liverpol 99 kuqaday
    City 88 Marka iskubadhobe labada kox 2chelsea aya leh 3 city ayaleh

    • Anigu wxan qabaaa oo aan ku raacay in Manchester United qaadayso premier leage 2020-2021

      1. Manchester United
      2. Man city
      3. Tottenham
      4. Liverpool
      Waa aragtideyda insha allh

  2. Anigu wxn qabaa inuu sidaan ku dhamaan doono EPL’ka xilli ciyaareedka soo socdo I.a.

    1. Liverpool
    2. Man City
    3. Chelsea
    4. Man United

Leave a Reply

Your email address will not be published.