Bye Bye!!! PSG Oo Qaadaysa Tallaabadii Ugu Horreysay Ee Ay Kaga Jawaabayso Guul-darradii Champions League & Tababare Tuchel Oo Albaabka Ka Baxaya

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa gaadhi weyday hankeedii xili ciyaareedka, waxaana finalka Champions League ku garaacday PSG oo 1-0 kaga badisay.

Kooxda reer France oo lagu maalgeliyey lacag ka badan 1 bilyan oo Gini tan iyo sannadkii 2011 oo ay maalqabeennada reer Qatar la dul-taagnaayeen kiish lacag ah, waxa mashruucani ku dhamaystirmayay in ay ku guuleystaan Champions League sagaal sannadood kaddib markii mulkiyadda kooxdu gacanta u gashay Shirkadda maalgelinta dibedda u qaabilsan Qatar ee Qatar Sports Investments, taas oo uu maamulo Nasser Al-Khelaifi.

Xiddigo waaweyn oo lacago badan laga soo bixiyey kaddib, waxa PSG muuqata in aanay wali gaadhin halkii ay hiigsanaysay, waxaana mar kale lagu noqonaysaa qorshaha dibu-hagaajinta kooxda iyadoo lasii wadayo in lagu soo kordhiyo wajiyo cusub oo farsamo iyo khibrad kusoo kordhin doona ka hor inta aanu bilaabmin xili ciyaareedka dambe ee 2020/21.

Kaddib guul-darrada finalka Champions League kasoo gaadhay, PSG waxay shaqada ka caydhinaysaa tababare Thomas Tuchel oo ay isla markiiba la bilaabeen wada-hadallo uu ku tirinayo xilka, isla markaana lagu wargelinayay inay uga dhamaatay kooxda.

Tuchel beddelay Unai Emery sannadkii 2018, waxa labadii xili ciyaareed ee uu kooxda tababaraha ka ahaa uu la qaaday horyaalka Ligue 1 iyo koobab kale oo maxalli ah, laakiin waxa uu ku fashilmay inuu ku hoggaamiyo koobka ay raadinayaan ee Champions League.

Sida uu sheegay wariye Gianluca di Marzio oo ka tirsan Sky Sports, isla markii ay dhamaatay ciyaartu, waxa la ballamiyey Tuchel oo lagu wargelinayo in shaqada laga caydhinayo, fursaddii labada sannadood ahayd ee la siiyeyna uu ka faa’iidaysan waayey.

Wariyuhu waxa uu intaa ku daray in PSG ay tababare cusub u magacaabi doonto macallinkii hore ee Juventus ee Max Allegri oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay kooxda reer Turin.

Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa waxa kasoo kordha mustaqbalka tababare Tuchel iyo haddii warka uu sheegay Gianluca di Marzio uu dhab noqdo.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.