Barcelona vs Bayern Munich – Isku Aadka Wareegda 8da Iyo Semi-finalka Champions League Oo Dhameystiran

Waxaa caawa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay isku aadka wareega 16ka ee Champions League iyadoo la ciyaaray labadii kulan ee ugu danbeysay ee lugta labaad ee wareega 16ka.

Barcelona ayaa si raaxo ah uga soo gudubtay Napoli ka dib markii ay labada lug ku garaacday 4-2, halka Bayern Munich ay guulwadareed 5-1 ah kaga soo gudubtay Chelsea.

Kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich ayaa isku arka wareega sideed dhamaadka oo ka dhacaya dalka Portugal, sidoo kale waxaa isku balansan Manchester City oo xalay ka soo gudubtay Real Madrid iyo kooxda Lyon oo xalay niyadjabisay Juventus.

Sidoo kale wareega sideed dhamaadka waxaa isku balansan kooxda laga yaaban yahay ee Atalanta iyo kooxda Paris Saint-Germain halka Atletico Madrid ay qaabili doonto kooxda Jarmalka ee RB Leipzig.

Kulamada wareega sideed dhamaadka iyo semi-finalka waa kuwa hal lug ah sidaasi darteed natiijada waxaa lagu go’aamin doonaa isaraga koowaad.

Kooxdii ka soo badisa Bayern Munich iyo Barcelona waxay semi-finalka wada ciyaari doonaan kooxdii soo badisa Manchester City iyo Lyon.

Halka kooxdii soo badisa Altetico Madrid iyo RB Leipzig ay semi-finalka isku wajahayaan kooxdii soo badisa Atalanta iyo PSG.

ISKU AADKA WAREEGA SIDEED DHAMAADKA:

Barcelona vs Bayern Munich

Man City vs Lyon

Atletico Madrid vs RB Leipzig

Atalanta vs Paris Saint-Germain

ISKU AADKA SEMI-FINALKA

Barcelona/Bayern Munich vs Man City/Lyon

Atletico Madrid/RB Leipzig vs Atalanta/PSG

Saadaal ka bixi afarta kooxood ee semi-finalka Champions League isku arki doona?

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

24 Comments

  1. MAN CITY BAYERN MUNCHEN
    BAYERN MUNCHEN VS
    PSG PSG
    ATHLETICO MADRID
    IF ALLAH SAY #BAYERN_MUNCHEN
    #CHAMPIONS

Leave a Reply

Your email address will not be published.