Barcelona Oo Uu Kasoo Dhammaaday Samirkii Jordi Alba & Xiddiga Ay Booskaas U Doonayaan Oo La Ogaaday

Xaalada suuqa kala iibsiga ee kooxda Barcelona ayaa ah mid alow sahal ah kadib mushaakilka dhanka maamuulka oo kooxda la dagay kadib guuul daradii Champions League waxaana la fahansanyahay in saxiix kasta oo ay sameeyaan ay ku xiran tahay inta ciyaartoy oo ay iibiyaan si ay u helaan qarash suuqa ay ku galaan.

iyada oo diirada uu saaranyihiinn ciyaaryahano badan hadana kooxda waxay mudnaanta koobaad siineysaa daafaca bidix, halkaasoo kooxda aysan wax dammaanad ah siin doonin midkoodna Jordi Alba iyo Junior Firpo inay sii joogaan kooxda xagaagan

Leicester City are negotiating for Ajax left-back Nicolas Tagliafico

Daafaca kooxda Ajax ee Nicolas Tagliafico ayaa ah halka ciyaariyahan oo ay kooxda reer Catalonia isha ku heyso inay macquul tahay inay lasoo wareegaan inta suuqa uu furanyahay sidoo kale iyo Angelino oo Man City ah.

Barcelona ayaa ahayd mid mudo dheer si dhaw ula socotay xaalada Tagliafico waxaana ay hadda arrimihiisa weydiiyeen kooxdiisa Ajax.

Heshiiska Tagliafico ee kooxda reer Holland ayaa dhigaya in Ajax aysan hor istaagi karin ciyaaryahanka hadii Barcelona ay xagaagan dalab ka soo gudbiso inkastoo kooxa kale ay xiiseynayeen sannadihii ugu dambeeyay.

Barcelona ayaa laga doonayaaa inay miiska saarto adduun dhan 25 milyan euro si ay ula soo wareegaan xiddigaan iyada oo ay tahay qarash ay awoodaan, laakiin waa hadii mid ka mid ah daafacyadooda bidix ee haatan uu kooxda ka baxaaayo.

Jordi Alba oo ahaa ciyaaryahan lama taabtaan ah laakiin guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Bayern Munich ayaa ka dhigtay inuu ku biiro liiska dheer ee ciyaaryahanada ay kooxda doonaysa in xaraashto xagaagan.

Tagliafico ayaan kali ku ahayn xiddigaha ay booska daafaca bidix u doonayso Barcelona balse sidoo kale waxa ku weheliya Angelino iyo Jose Luis Gaya oo isagu jooga kooxda Valencia ayaa ah dhamaan ciyaaryahanada isha ku heyso kooxda Blaugrana.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.