Barcelona, Man City, Bayern Munich & Juventus Oo Ogaaday Garoomada Ay Wareega 16-ka Ee Champions League Ku Ciyaarayaan – Lisbon Mise Meel Kale?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa lagu soo warramayaa inay go’aamiyeen garoomada lagu ciyaari doono kulamada ka hadhsanaa wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League oo bisha soo socota ee August la ciyaari doono.

Champions League ayaa si lamid ah horyaalada waaweyn ee Yurub gabi ahaanba u hakaday caabuqa Korona dartii balse waxa la filayaa in dib loo bilaabi doono August marka ay dhammaadaan tartamada kale oo dhammi.

Champions League

Afar kulan oo ka hadhsanaa wareega 16-ka ee CL ayaa ahaa midka ay Man City qaabilayso Real Madrid, Barcelona oo soo dhawaynaysa Napoli, Juventus vs Lyon iyo Bayern Munich vs Chelsea.

UEFA ayaa hore si rasmi ah ugu dhawaaqay in kulamada wareega 8-da iyo waxa ka dambeeya oo dhan lagu dhammaystiri doono tartanka magaalada caasimada dalka Portugal ee Lisbon iyadoo waxa aan go’aanka laga gaadhin ay ahaayeen kulamada wareega 16-ka ka hadhsan.

Sida uu hadda sheegayo wargeyska ree Spain ee AS, kulamadaas ayay UEFA go’aansatay in koox kastaa ay ku ciyaarto garoonkeeda iyadoo tusaale ahaan Man City ay Madrid ku qaabili doonto Etihad Stadium sidii caadiga ahayd.

Wargeyska ayaa sheegaya in UEFA ay doonayeen in kulamadana lagu ciyaaro Lisbon balse ay kooxaha Manchester City iyo Barcelona cadaadis saareen taasina ay dhalisay in koox kasta garoonkeeda ku ciyaarto.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.