“Barcelona Champions League Messi Ayaa U Qaaday Ee Guardiola Ma Ahayn, Haddii Kale Bayern & Man City Ayuu La Qaadi Lahaa Mar Hore”

Tababarihii hore ee kooxda Bayern Munich ee Felix Magath ayaa dhulka la galay macalinka haatan ee Manchester City ee Pep Guardiola oo uu ku weeraray fashilkiisa sanadihii ugu dambeeyay soo noq-noqday ee tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Guardiola ayaa laba jeer loo caleemo saaray inuu yahay tababaraha ku guuleystay Champions League wakhtigiisii Barcelona iyadoo uu labada Final-ba goolal dhaliyay kabtanka wakhtigan ee kooxdaas ee Lionel Messi.

Felix Magath will mit Würzburger Kickers in die Bundesliga: "Wollte schon immer Titel" - Sportbuzzer.de

Guardiola ayaan Final Champions League gaadhin tan iyo wakhtigaas isagoo kusoo fashilmay inuu Bayern Munich oo uu hore usoo layliyay iyo Man City oo uu hadda majaraha u hayo dhaafiyo heerarka siddeed dhammaadka iyo afar dhammaadka.

Guardiola ayaa tan iyo markii uu Barca kasoo tagay kusoo guuleystay shan horyaal iyo siddeed koob oo kale laakiin Felix Magath ayaa aaminsan in Pep uusan Champions League qaadi karin la’aanta Messi.

Magath ayaa ku dooday in shaqsigii Barcelona u qaaday Champions League uu ahaa Messi ee uusan ahayn Guardiola isla markaasna haddii macalinka ree Spain uu awoodaas leeyahay uu Bayern iyo Man City ku hoggaami lahaa koobabkaas.

Magath oo arrintaas ka hadlaya oo waraysi siinayay Bild Sport ayaa yidhi “Messi ayaa ku guuleystay koobabka (Champions League), maaha Guardiola”

“La’aanta Messi hanaanka ciyaareed marnaba sidaas guul uguma noqdeen Guardiola haddii kale waxa uu Champions League kula guuleysan lahaa Bayern ama Man City wakhti hore”

“Tiki-Taka kaliya waxa ay shaqaysaa haddii aad haysato ciyaartoy farsamo ahaan ka sarreeya kuwa kasoo horjeeda, qofka daawanaya in kubadda la hayaa sida aan sheego waa ku caajis koox sarreysaana dhab ahaan uma baahna sidaas”

“Aragtidayda Guardiola guud ahaan inta badan waxa uu guuldarraystaa kulamada isaga oo doonaya inuu qaab cajiib ah u guuleysto, taatikadu inta badan waxay ku dhammaataa go’aano qaldan taas oo guusha kahor tagta”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.