Barca Oo Doonaysa Mohamed Salah, Mbappe Oo Ka Tegaya PSG, Man United Oo Bale Lasoo Wareegaysa Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Maanta Oo Axad Ah

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Sabti ah:

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa bartilmaameedka ka dhiganaya xiddiga Liverpool iyo xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah oo 28 jir ah, waxaanu kaalinta koowaad kaga daray liiska ciyaartoyda uu doonayo. (Express)

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 21 jir ah, waxa uu u sheegay kooxdiisa Paris St-Germain inuu doonayo inuu iskaga tago dhamaadka xili ciyaareedka dambe, isla markaana aanu kordhin doonin qandaraaskiisa. Kooxaha LaLiga iyo Premier League ayaa raadinaya. (Times)

Manchester United waxay qorshaynaysaa inay u dhaqaaqdo laacibka Real Madrid iyo xulka qaranka Wales ee Gareth Bale oo 31 jir ah, haddii ay u suurtogeli weydo inay lasoo saxeexdaan Jadon Sancho oo ah 20 jir ay isku afgaran la’ yihiin Borussia Dortmund. (Express)

Tottenham Hotspur ayaa laga soo diiday dalab amaah ahaa oo ay ka gudbisay weeraryahanka 26 jirka ah ee kooxda Torino ee Andrea Belotti. (Sky Italia)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay kordhiso qiimaha ay ku doonayso goolhayaha Brenfotrd ee David Daya, waxaanay lacagta gaadhsiin doontaa illaa £10 milyan oo Gini. (Sun)

Chelsea waxay isku dayi doontaa inay iibiso afar ciyaartoy si ay ula soo saxeexdaan khadka dhexe ee kooxda West Ham United ee Declan Rice oo 21 jir ah. (Daily Star)

Difaaca midig ee reer Spain ee Sergio Reguilon, waxa uu door bidayaa inuu amaah kaga baxo Real Madrid oo uu dib ugu laabto Sevilla, halkii uu ka tegi lahaa Manchester  United. (AS)

United waxay diyaar u tahay inay £23 milyan oo Gini ka bixiso difaaca Monaco ee Benoit Badiashile oo 19 jir ah. (L’Equipe)

Tababaraha Inter Milan, Antonio Conte waxa uu doonayaa inuu Chelsea kala soo saxeexdo difaaca reer Spain ee Marco Alonso oo 29 jir ah. (Sky Italia)

Tottenham ayaa ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Sporting Braga ee Paulinho oo ah 27 jir u dhashay Portugal. (90min)

Difaaca Manchester City iyo Ukraine ee Oleksandr Zinchenko oo 23 jir ah, waxa uu doonayaa inuu qayb ka noqdo heshiiska ay Man City kula soo wareegayso difaaca Napoli iyo Senegal ee Kalidou Koulibaly oo 29 jir ah. (Radio Marte)

Kubbad-sameeyihii hore ee Manchester City iyo Ivory Coasta ee Yaya Toure oo 37 jir ah, qorshaha uguma jirto inuu ciyaaraha ka fadhiisto, waxaanu doonayaa inuu tago horyaalka Serie A oo uu kasii ciyaaro. Laacibkan ayaa koox la’aan noqday bishii January markii uu ka tegay kooxda reer China ee Qingdao Huanghai. (Tuttomercato)

Weeraryahanka Faransiiska ah ee Mounir Chouiar oo 21 jir ah una ciyaara naadiga Dijon, waxa doonaya saddexda kooxood ee Leeds United, Wolverhampton Wanderers iyo Arsenal. (Football Insidder)

Leeds waxay doonaysaa inay Chelsea kasoo iibsato 20 jirka khadka dhexe ee Conor Gallagher. (Mail)

Aston Villa ayaa laga soo diiday dalab £15.7 milyan oo Gini ah oo ay ka gudbisay weeraryahanka reer Burkina Faso ee Bertrand Traore oo ah 25 jir u ciyaara Lyon. (Footmercato)

Liverpool ayaa heshiis la gashay goolhayaha reer Brazil ee 17 jirka ah ee Marcelo Pitaluga oo u ciyaara kooxda Fluminense, waxaanay bixinaysaa £1.8 milyan oo Gini.  (Globo Esporte)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.