Aubameyang Oo Ugu Dambayn Sheegay Wixii Ay Jamaahiirta Arsenal Sugayeen & Sababta Uu Heshiiska U Kordhin Waayay Oo Uu Ka Hadlay

Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre Emerick Aubameyang ayaa ka hadlay sababta uu heshiis kordhin ilaa wakhtigan ugu samayn waayay kooxdaas xilli ay muddooyinkii ugu dambeeyay taageerayaashu baraha bulshada aad ugaga codsanayeen inuu qalinka buuga ku duugo.

Aubameyang ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah dhawaanahan kula soo jiray madaxda sarre ee kooxdiisa Arsenal iyadoo la hadal hayo inuu saxeexayo qandaraas saddex sano ah oo uu toddobaadkii 250,000 oo Pound mushahar u qaadanayo.

Aubameyang teases Arsenal fans ahead of contract announcement ...

Aubameyang ayaa hore loo sheegay inuu qiimayn ku samaynayo dookhyada uu haysto iyo wadooyinka u furan si uu go’aan uga gaadho mustaqbalkiisa balse arrinta ayaa hadda sidaas ka duwan.

Intii lagu gudo jiray muuqaal toos ah oo uu kaga jiray bartiisa Instagram isla markaana uu ku wehelinayay walaalkii Willy Aubameyang, 31 sano jirkaas ayaa sheegay in aan wali wax heshiis ahba loosoo bandhigin oo uusan hayn buugii uu qalinka ku saxeexi lahaa.

Auba ayaa intii uu barnaamijkaas ku jiray yidhi “Qofkasta waxa uu i tusayaa buuga iyo qalinka laakiin anigu wali ma hayo waraaqihii”

Iyadoo laga warqabo in hadaladaas kasoo yeedhay ay noqon doonaan kuwo baraarujiya oo xog buuxda siiya jamaahiirta Arsenal ayuu dhinaca kale Aubameyang sheegay inuu qofkasta war wanaagsan u rajaynayo”

“Habeen wanaagsan, raaxaysta waxaanan qofkasta u rajaynayaa war wanaagsan” ayuu yidhi Aubameyang oo hadalkiisa sii watay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.