Arsene Wenger Oo Ka Soo Jawaabay Aflagaadadii Iyo Ixtiraamdaradii Jose Mourinho

Arsène Wenger ayaa jawaab ka bixiyay weerarkii uu kala kulmay Jose Mourinho kaasoo wax laga weydiiyay sababta uu uga soo muuqan waayay buuga Wenger.

Isagoo u hadlayay Canal Football Club, Arsene Wenger ayaa la weydiiyay inuu ka jawaabo ixtiraamdaradii iyo aflagaagadii uu kala kulmay Mourinho.

Tababaraha reer Portugal ayaa maalin ka hor sheegay in sababta aan loogu xusin buuga Arsene Wenger inay tahay in Wenger uusan waligiis isaga ka badinin. Tababaraha reer Portugal ayaana mar kale ku tilmaamay macalinka Faransiiska nin ku takhasusay guuldarada.

Waxaa la weydiiyay su’aal aheyd: “Arsene Wenger buug ayuu soo saaray, adigana laguma xusin. Ma garaneysaa sababta?”

Jose Mourinho ayaa ku jawaabay: “Sababtoo ah waligiis ima garaacin! Marna cutub ka qori meysid 12 ama 14 kulan oo aadan waligaa badinin.

“Buug waa mid ku farxad geliya oo aad ku faani karto, sidaasi darteed si fiican ayaan u fahamsanahay sababta uusan aniga iiga hadlin”

Wenger ayaa la weydiiyay haddii uu ka carooday hadalka Jose Mourinho, wuxuuna ku jawaabay:

“Kama caroonin hadlkiisa. Mar walba inuu dadka weeraro ayuu jecel yahay. Waxaan dareemayaa inaan joogo iskuulka caruurta laakiin waa qeyb ka mid ah shaqsiyadiisa.

“Waa been, waan garaacnay isaga labo jeer oo ka mid ah 19 jeer oo uu inaga horyimid. Waan badinay, waxaana jiray barbaro badan…

“Adiga ma ahan cida badisay, kaliya guusha waad ka qeyb qaadatay, kooxda ayaa badisay. Tababaraha wuxuu meesha u joogaa inuu kooxda ka soo saaro qaab ciyaareedka ugu fiican”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.