Arsenal Oo Diiday In BBC Ay Wareysi La Yeelato Aubameyang Ka Hor Finalka FA Cup Ee Ay Chelsea La Ciyaarayaan & Sababta Oo La Ogaaday

Arsenal ayaa diiday inay u ogolaato BBC inay wareysi la yeeshaan Pierre Emerick-Aubameyang ka hor kulanka finalka FA Cup.

Weeraryahanka iyo asxaabtiisa ayaa Wembley kula ciyaaraya Chelsea caawa iyagoo u tartamaya koobka ugu da’da weyn kubada cagta.

Madaama ay tabinayaan kulanka finalka FA Cup, BBC ayaa dooneysay inay la hadasho xiddiga ugu gooldhalinta badan Gunners xilli ciyaareedkan.

Si kastaba, daadihiyaha barnaamijka Match of the Day Gary Lineker ayaa sheegay intii uu socday barnaamijka hordhacay kulanka in Arsenal ay soo diiday inay wareysi la yeeshaan Aubameyang.

Sababta ay Arsenal u diiday in Aubameyang oo wareysi siiyo BBC ayaa ah inay ka baqayaan in wax laga weydiiyo mustaqbalkiisa isagoo aan weli ogolaanin qandaraas kordhin lagana yaabo inuu baxo xagaagan.

Kabtanka Arsenal ayaa u soo safan lahaa Chelsea maanta haddii uu ku guuleysan lahaa qorshihiisii bishii Janaayo.

Weeraryahanka Gabon oo ay hal sanno uga hartay qandaraaskiisa Gunners ee isbuucii uu qaato 200 kun ginni ayaa doonayay inuu si dhaqso ah uga tago Arsenal bishii Janaayo una ciyaaro Chelsea.

Wakiilada Aubameyang ayaa la xiriiray koxoda Frank Lampard ee Chelsea.

Waqtigaas tababare Lampard wuxuu kursiga keydka ku ilaaway Olivier Giroud iyadoo muhiimad ay u aheyd saxiixa gooldhaliye.

Waxaa lala xiriirinayay Timo Werner kaasoo ugu danbeyn heshiis 48 milyan ginni ah uga soo wareegay kooxda RB Leipzig.

Aubameyang oo 31 sanno jir ah ayaa dhaliyay 27 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Waxaa la sheegay inuu doonayay inuu u dhaqaaqo Blues taasoo si weyn uga careysiin laheyd taageerayaasha Gunners.

Heshiiskii uu daafaca bidix Ashley Cole ugu wareegay kooxda ay London ku xafiiltamaan sannadkii 2006 ayaysan weli ilaawin taageerayaasha Gunners.

Laakiin Aubameyang ayaa la sheegay inuu weydiistay Chelsea mushahar ka dhigi lahaa xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kooxda.

Blues ayaa weli xiiseyneysa Aubameyang laakiin waxa doonayaan inuu hoos u dhigo dalabkiisa mushahar.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.