Arsenal Mise Napoli? Kooxda Ku Guuleysatay Saxeexa Gabriel Magalhaes & Wakhtiga Uu Tijaabada Caafimaadka Marayo

Kooxaha Arsenal iyo Napoli ayaa la xusayaa inay ku kala calaf-qaadeen saxeexa daafaca dhexe ee Lille ee Gabriel Magalhaes oo ay ku tartamayeen muddooyinkii ugu dambeeyay.

Sida ay sheegayaan xogihii ugu dambeeyay, Arsenal ayaa ah kooxda ku guuleysatay saxeexa Gabriel iyadoo intaas lagu darayo in xiddigaasi uu maanta oo Khamiis ah tijaabada caafimaadka u mari doono Gunners.

Walow ay kusoo guuleysteen FA Cup oo ay uga mahad celinayaan guul cidhiidhi ah oo ay kasoo gaadheen kooxda Chelsea haddana inay booska 8-aad kaga soo dhammaysteen miiska kala sarreynta Premier League ayaan ahayn wax la filayay.

Arsenal ayaa tan iyo markii ay dhammaysteen xilli ciyaareedkan lala xidhiidhinayay xiddigo badan oo booska daafaca ka ciyaara balse midka inta ugu badan magaciisa la xusayay ayaa ahaa Gabriel.

Wargeyska The Telegraph oo ka faaloonaya faah-faahinta heshiiska dhex maray Arsenal iyo Lille ayaa sheegay in la isku fahmay lacag 22.6 Milyan Pound ah oo uu 22 sano jirkaasi qalinka ku duugi doono qandaraas shan sano ah.

Madaxa kooxda Lille ee Gerard Lopez ayaa toddobaadkii hore sheegay inay u furan yihiin iibka Gabriel isaga oo wakhtigaas xusay inay iyagu fasaxeen xiddiga oo ay sugayaan kooxda uu isagu dooran doono.

Warar hore ayaa sidoo kale xusayay in kooxda ay Arsenal ku loolamayaan gudaha England ee Man United ay doonaysay  saxeexa Gabriel walow il-wareedka MEN uu gadaal ka beeniyay wararkaas.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.