“Arsenal Garoonka Dhexdiisa Ixtiraam Ayaan Ugu Hayaa Laakiin Banaanka Garoonka…” – Guardiola Oo Ku Qarxay Gunners & Waxa Uu Ka Cadhooday

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka yaabsaday jamaahiirta kooxdaas kaddib markii uu sheegay inuusan taageere weyn u ahayn shaqooyinka ay kooxdu ka qabato banaanka garoonka.

Labada kooxood ayaa dhawaan kulmay kulan afar dhammaadka FA Cup ka tirsanaa iyadoo ay Arsenal ahayd kooxda qosolku ku dambeeyay ee 2-0 ku guuleystay kaddib laba gool oo uu saxeexay kabtan Pierre Emerick Aubameyang.

Guardiola oo bixinayay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulanka ay caawa la ciyaarayaan kooxda Watford ayaa sheegay inuu Arsenal ixtiraam weyn ugu hayo gudaha garoonka si lamid ah kooxaha kale balse uusan banaanka ku ixtiraamayn.

“Kooxaha naga soo horjeedaa markasta waxa ay u qalmaan ixtiraamkayga iyo amaantayda, Arsenal-na way haysataa” ayuu ugu horreynba yidhi tababarihii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich.

“Anigu waxaan ixtiraam oo dhan u hayaa waxa ay Arsenal ku tahay garoonka dhexdiisa, ixtiraam badan uguma hayo banaanka garoonka, laakiin garoonka dhexdiisa in badan, sidaas darteed waan u hambalyaynayaa iyaga nasiib wacan ayaanan uga rajaynayaa Chelsea Final-ka”

Erayadan adag ee kasoo baxay Guardiola ayaa la sheegayaa inay dhalisay kaddib markii Arsenal ay hoggaan u noqotay siddeed kooxood oo Premier League ah oo saxeexay olole dib loogu dhigayay ganaaxii City ee UEFA ee dhawaan laga qaaday.

City ayaa kaddib ganaaxii UEFA ee ahaa inay laba sano seegayaan ciyaaraha Yurub laga qaaday oo laga aqbalay racfaan ay u gudbisay maxkamada sarre ee CAS.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.