“Aniga Waxba Igama Gelin Haddii Uu Messi Tago Iyo Haddii Uu Joogo, Inuu Joogay….” Asensio Oo Soo Bandhigay Dareenkiisii In Messi Ka Baxayay Barcelona

Garabka kooxda Real Madrid ee Marco Asensio ayaa shaaca ka qaaday dareenkiisa wararkii kooxda ay loolamaan ee Barcelona uu ka baxayay kabtankeeda Lionel Messi oo ahaa mid ay ka go’antahay inuu iskaga tago Camp Nou suuqii xidhmay.

Lionel Messi ayaa ku riixayay kooxdiisa in loo ogolaado inuu ku biiro kooxo ay ugu cad-cadayd Manchester City isaga oo ka cadhaysnaa nolosha haatan ee Barcelona iyo hoggaanka madaxweyne Josep Maria Bartomeu.

Sidoo kale waxa door weyn ka ciyaaraysay rabitaanka Messi ee inuu baxo in Barcelona ay guuldarro culus oo 8-2 ah Champions League kagala soo kulantay Bayern Munich.

Si kastaba, kaddib markii uu Maria Bartomeu iska diiday inuu qaab bilaash ah kooxda kaga tago, Messi ayaa shaaciyay inuu ugu yaraan sanadka ka hadhsan qandaraaskiisa kooxdaas dhammaysan doono.

Marco Asensio oo markale xilli ciyaareedkan El-Classico kaga hortagi doona Messi ayaa haatan sheegay inaysan wax dhib ah ku haynin doonistii Messi ee ahayd inuu tago iyo haddii uu joogayaba.

Asensio ayaa sheegay in joogista Leo ay u wanaagsan tahay kooxdiisa Barcelona isaguna uu jecel yahay inuu kahor tago ciyaaryahanada ugu wanaagsan.

Asensio ayaa isaga oo arrimahaas ka faaloonayay u sheegay El Transistor “Anigu maan danaynayn haddii uu Messi joogo iyo haddii kaleba”

“Inuu joogay wax u wanaagsanaan doontaa Barcelona, anigu waan jecelahay inaan kahor tago ciyaaryahanada ugu wanaagsan”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.