Andre Pirlo Oo U Sheegay Xiddig Magac Leh Inuu Boorsadiisa Qaato Oo Uu Isaga Tago Juventus Xagaagan

Tababaraha cusub ee Juventus Andrea Pilro ayaa bilaabay durbaba inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa.

Halyeeyga khadka dhexe ee Talyaaniga ayaa loo magacaabay tababaraah Juventus habeenkii Sabtida ka dib markii la ceyriyay tababare Maurizio Sarri markii ay Juventus ka hartay Champions League.

Ka dib markii uu helay shaqada ugu sareysa ee tababarenimo, Pirlo ayaa durbaba bilaabay qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub iyo sida ay kooxdiisa u muuqan doonto.

Madaama Juventus aysan wacdarro dhigin xilli ciyaareedkan inkastoo ay ku guuleysteen horyaalka Serie A, waxaa la filayaa in xiddigo dhowr ah la iibin doono.

Ciyaaryahan Blaise Matuidi ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Mareykanka ee Inter Miami, waxayna u muuqataa in xiddiga Faransiiska uusan noqon doono ciyaaryahanka kaliya ee khadka dhexe ee laga fasaxayo kooxda xagaagan.

Sida ay sheegtay jariirada Daily Mirror, Pirlo ayaa ku wargeliyay Aaron Ramsey inuusan qeyb ka aheyn qorshihiisa xilli ciyaareedka danbe islamarkaana uu xor u yahay inuu raadsado koox cusub.

Xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee uu xiddiga reer Wales ka ciyaaro Turin ka dib markii uu si xor ah uga soo wareegay Arsenal xagaagii la soo dhaafay ayaa ahaa mid aad u liitay.

26 kulan uu saftay horyaalka Serie A oo 13 ka mid ah uu ku soo bilowday, 29 jirkaan ayaa dhaliyay kaliya seddex gool halka uu hal kaliya caawiye ka ahaa.

Ma ahan tiro laga filanayo ciyaaryahan isbuucii mushahar ahaan u qaata 250 kun ginni, iyadoo mushaharkaas uu dhibaato ku noqon karo xiddiga reer Wales haddii uu raadsanayo koox cusub xagaagan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.