Ander Herrera Oo Banaanka Keenay Taladii Uu Kooxdiisii Man United Ka Siiyay Edinson Cavani & Jamaahiirta Red Devils Oo Jeclaystay

Xiddigii hore ee kooxda Manchester United ee Ander Herrera ayaa shaaca ka qaaday wixii uu u sheegay saaxiibkiisii Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani oo xalay si rasmi ah ugu wareegay dhinaca kooxda Premier League.

Man United ayaa xilli dambe oo suuqa ah si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxeexa Cavani iyagoo kula soo wareegay heshiis hal sano ah oo uu sanadka labaadna yahay dookh lagu dari karo haddii loo baahdo.

Sanadkii hore, Ander Herrera ayaa sameeyay heshiiskan caksigiisa isaga oo ka dhaqaajiyay kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer isla markaana qaab bilaash ah ugu wareegay PSG kaddib markii uu ka dhacay qandaraasku.

Herrera ayaa shan sano hore ugu soo qaatay Man United oo ah koox uu ku sifeeyay “Mid gaar ah” markii uu Edinson Cavani talada uu siiyay ka sheekaynayay.

31 sano jirkaas ayaa intaas ku daray inay wax aan fiicnayn tahay in Old Trafford aysan jamaahiirtu kusoo dhawayn karin gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Paris Saint-Germain maadaama ay jamaahiirtu garoomada ka maqan yihiin.

Ander oo taladii uu Cavani siiyay uga warramay Cadena Serr ayaa yidhi “Waxa uu i weydiistay aniga talo, waxaan u sheegay inay tani tahay mid kamida kooxahaas aanad maya odhan karin”

“Kaliya waa wax aad u xun inuusan ka faa’idaysan karin jamaahiirta, Old Trafford waa garoon khaas ah”

Cavani oo 33 sano jir ah ayaa 200 gool 301 kulan ugu soo dhaliyay Paris Saint-Germain toddoba sano oo uu soo joogay isaga oo kasoo caawiyay ku guuleysiga lix horyaal Ligue 1.

Ugu dambayn, Cavani ayaa iskaga tagay Paris kaddib markii uu xilli ciyaareedkiisii u dambeeyay ee kooxdaas dhaawacyo dhibane u noqday, Man United ayaa faa’ido ka qaadatay iyadoo kaga guuleysatay saxeexiisa kooxo ay kamid tahay Atletico Madrid.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.