AMAKAAG: Sir Alex Ferguson, Pep Guardiola, Jose Mourinho & Arsene Wenger Oo Laysku Daray Waxba Kama Qabaan Karaan Arsenal.

Khabiirka Sky Sports ahna halyaygii hore ee kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ee Gunners ay gaadhay heer aan waxba laga qaban karin wuxuuna ku dooday in Sir Alex Ferguson, Jose Mourinho, Guardiola iyo Wenger oo laysku daray ayna waxba ka badali karin Gunners.

Arsenal ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay Tottenham kulan ay ahayd kooxda guusha loo saadaalinayay ee shaqada ugu badan qabtay balse qaladaad ay ciyaartoyda Gunners sameeyeen ayaa Jose Mourinho iyo kooxdiisa Spurs ka caawisay inay saddex dhibcood oo muhiim ah heleen.

Paul Merson
Paul Merson

Laakiin niyadjabka ka muuqda khabiirka Sky Sports ahna halyaygii hore ee Gunners ee Paul Merson ayaa muujinaysa in Arsenal ay u socoto meel ay adag tahay in raggii ugu khibrada badnaa kubbada cagta England ay ku adkaan karto in ay wax ka badali karaan.

Paul Merson ayaa ka walwalsan in kooxdiisii hore ee Arsenal ay abid dib u guulaysan waydo oo ay gaadho heer hoose isaga oo sababta ku sheegay in ayna awoodi karin in ay kubbada isaga dhiibtaan meel ka fog 5 yards.

Difaacyada uu Pual Merson ku eedeeyay in ay kubbada iskaga dhiibi kari waayeen 5 yards ayaa kala ah  Shkodran Mustafi, David Luiz iyo Sead Kolasinac oo ahaa difaacyadii Arsenal ka khasaariyay guushii ay Tottenham ka gaadhi lahaayeen ee guuldarada markii danbe sababta u noqday.

Pual Merson oo tixraacaya wixii uu ciyaartoyda Arsenal ku arkay kulankii Tottenham ayaa yidhi: “Kulankii Tottenham, anigu ma danaynayo haddii aad heli lahayd Pep Guardiola oo garab fadhiya Jose Mourinho oo uu dusha ka sii fadhiyo Sir Alex Ferguson oo uu ka sii sareeyo Arsene Wenger oo ay dhamaantood afartu isku yihiin hal tababare, haddii aad haysato difaac aan kubbada difaac kale u baasi karin 5 yards dhibaato ayaad ku jirtaa”.

Pual Merson ayaa hadaliisa sii raaciyay: “Marka tababaruhu uu tababarada ku samaynayo kubbad isku dhiibashada 5 yards ah qof kastaaba wuu cowdaa, maxaynu waxan u samaynaynaa? ayaan kubbada baasi karin 5 yards? laakiin taasi waa sababta, waa diirada saaris, waxaad sii wadaysaa adiga oo aan xataa ka fikirin sida aad ilkahaaga u cadayayso oo kale subaxdii”.

“Ciyaartoyda waxaa qaadata boqolkiiba baasaska ay bixiyaan. Difaacyadu waxay doonayaan in ay dhamaystiraan boqolkiiba 88%, 89%, 90% laakiin dhamaantood waa baas bixin 5 yards ah, daacad ahaantii ayaa daneeya?” ayuu Merson hadalkiisa raaciyay.

Pual Merson oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Hadda waxaa jirta xog aad u badan isla markaana ciyaartoydu way ka cabsadaan, sidaa daraadeed waxay isku dayaan in ay kubbad sahlan ciyaaraan”

Paul Merson oo waxa ciyaartoyda looga baahan yahay ka hadlaya ayaa yidhi: “Dhamaan ciyaartoydaas waxaa waajib ku ah in ay sii wadaan ilaalinta shabaqa nadiifta ah, waxaa waajib ah in ay taasi la mid noqoto sidii difaac saddexley goolal ah dhaliyay oo kale, waxaad doonaysaa difaacyo sidaas u fikiraya”.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.