AMAKAAG: Man United. Liverpool & Chelsea Oo La Siinayo Lacagta Ganaaxa Ah Ee Man City Laga Qaadayo & Sida Ay Ku Dhacday

Waxa banaanka timid sheeko cusub oo xiiso leh oo la xidhiidha kooxda Manchester City oo la filayo inay dhawaan bixin doonto lacag ganaax ah oo 10 Milyan oo euro ah taas oo lagaga cafiyay ganaax laga saaray tartamada Yurub.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa hore Manchester City laba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah xayiraad uga saaray dhammaan tartamada Yurub kaddib markii ay jebisay sharciga dhaqaale wanaagsa ee FFP balse go’aankii dambe ayaa noqday mid wax bedelay.

City ayaa si taariikhda gashay shalay ugu guuleysatay racfaan ay maxkamada sarre ee CAS ugaga gudbisay ganaaxa UEFA saaray iyadoo taas bedelkeeda lagu xukumay bixinta 9 Milyan oo Pound (10 Milyan oo euro)

Iyadoo ay UEFA lacagtaas marka ay Man City bixiso maamulkeeda yeelan doonto ayaa loo qaybin doonaa kooxaha ku jira tartamada Champions League iyo Europe League ee iyagu sharciga saxda ah ku taagan.

Kooxaha ay cadaawada weyni kaga dhaxayso Sky Blues dhinaca Premier League ee ay ugu horreeyaan Man United, Liverpool iyo Chelsea ayaa doorkooda ka heli doona lacagtaas.

City ayaa ah koox caaddeysatay jabinta sharcigaas maadaama oo ay lix sano kahor sidan oo kale sameeyeen isla markaana lagu ganaaxay lacag dhan 50 Milyan oo Pound.

Lacagtaas ayay kooxda Pep Guardiola wakhtigaas bixisay kaliya 20 Milyan oo Pound iyadoo 30-ka kale shuruud looga dhigay inaysan xilli ciyaareedyada dhaw markale jabinin sharciga.

City ayaa sanado ilaalinaysay sharcigaas kahor inta aysan baadhitaankan dhawaa ee UEFA markale ku cadaanin inay baal-mareen sharciga.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.