AMAKAAG: Halyeey Ruud Gullit Oo Daqiiqadii Ugu Foosha-Xumayd Kulankii Bayern vs PSG Ee Xalay Ku Sifeeyay Ugu Muhiimsanayd

Halyeeyga ree Holland ee Ruud Gullit ayaa dhiibtay aragti lama filaan ah kaddib kulankii xalay dhex maray kooxaha Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ee Final-ka UEFA Champions League ahaa.

Bayern ayaa markeedii lixaad taariikhda ku guuleysatay Champions League kaddib guul 1-0 ah oo ay ka gaadheen PSG, xiddiga koobka usoo gacan geliyay Bavaria ayaa ahaa da’yarka magaalada Paris qudheeda kasoo jeeda ee Kingsley Coman.

Image

Intii lagu gudo jiray qaybtii labaad ee kulankaas, garabka weerar ee Bayern Munich ee Serge Gnabry ayaa darbeeyay dhigiisa PSG ee Neymar JR taas oo dhalisay in xiddigaha labada kooxood ay isku dhacaan loolan adagina yimaado.

Haddaba, Ruud Gullit ayaa aaminsan in laaga uu Gnabry ku dhuftay Neymar uu ahaa daqiiqad aad muhiim ugu ah kulanka isaga oo ciyaaryahanka ree Germany ku amaanay inuu sameeyay wax yar oo ad-adayg iyo ku dagaalan dhinaca kubadda ah walow dhinaca kale daqiiqad fool xun lagu sifayn karo maadaama oo dagaal meesha yimid.

Ruud oo u warramayay beIN Sports ayaa yidhi “Aniga ahaan daqiiqadii furaha ahayd ee kulanku waxa ay ahayd Gnabry oo darbad yar ku dhufanaya Neymar, taas ayaa ahayd daqiiqada furaha ah”

“Taas ayaa ahayd daqiiqadii ay yidhaahdeen “Hey, hadda ayaynu bilaabaynaa’ anigu waan jeclaystay wixii uu sameeyay sababtoo ah waxa ay ahayd wixii loo baahnaa”

“Waxa loo baahnaa wax yar oo in kubadda lagu dagaalamo ah iyo wax yar oo cabsi gelin ah isaguna taas ayuu ku muujiyay ficilkaas”

Neymar ayaa garoonka kusii jiray oo aan dhaawac ku bixin kaddib loolanka uu kala kulmay Gnabry balse awoodi waayay inuu jabiyo daafaca Bayern Munich qaybihii dambe ee kulanka.

Ruud Gullit Talks England & World Cup In Moscow - SoccerBible

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.