AMAKAAG: Andy Robertson Oo Sheegay Xiddiga Man United Ee Ay Tahay In Jamaahiirta Liverpool Fadhiga Uga Kacaan & Sababta Oo Faah-Faahsan

Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa sameeyay qirasho layaab leh kaddib markii uu shaaca ka qaaday in ay tahay in jamaahiirta mayalka adag ee Liverpool ay fadhiga uga kacaan una sacabiyaan da’yarka Man United ee Marcus Rashford.

Manchester United ayaa 16-ka bisha January booqanaysa Anfield iyadoo ay macquul tahay in taageerayaasha loo ogolaado wakhtigaas inay garoomada ku laabtaan.

Marcus Rashford Successfully Pushes UK Govt. to Provide Free School Meals |  Bleacher Report | Latest News, Videos and Highlights

Marcus Rashord ayaa noqday xiddiga ugu hadal haynta badan kubadda cagta caalamka intii go’doonka xanuunka Korona lagu jiray kaddib markii uu dawlada UK ku qasbay inay ka noqdaan go’aankii ay cunada bilaashka ah kaga joojinayeen carruurta fuqarada ah.

Robertson qudhiisa ayaa kamid ahaa shaqsiyaadkii caanka ahaa ee caawinta soo sameeyay wakhtigaas isagoo sidoo kale wada urur caawimeedka AR26.

Haddaba, Robertson oo hadda dib uga hadlay wakhtigii lasoo dhaafay ee go’doonka ayaa sheegay inay tahay in taageerayaasha kooxdiisu ay soo dhaweyn u sameeyaan Rashy oo uu ku sifeeyay midkii kaliya ee la hadal hayay wakhtigaas.

Andrew ayaa yidhi “Labada eray ee uu qofkasta lahaa (Wakhtigii go’doonku) waxa ay yihiin ‘Marcus Rashford”

“Waxa uu ka dhigay siyaasiyiinta inay dhinaca kale u rogaan go’aankoodii (Inaysan sii dheerayn wakhtiga cunada bilaashka ah ee dugsiyada) sababtoo ah waxa uu doonayay in ilmo-yar oo kasta la quudiyo, waxa uu qabtay waa cajiib, waa wax wanaagsan”

“Marka ay jamaahiirtu soo laabtaan, Marcus Rashford waxa uu noqon karaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee Man United ah ee looga kaco halkan, isagu wuu u qalmaa midaas sababtoo ah kumanaan qoys ayaa la quudinayaa hadda”

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.