AKHRISO Xaalada Dhaawaca Kevin De Bruyne & Fursadiisa Kulanka Adag Ee Arsenal Ee Sabtida

Kooxda Manchester City ayaa wali dareemaysa wer-werka dhaawaca xiddigaha kooxdeeda in badan oo kamid ahi ay ku maqan yihiin xilli ay Arsenal soo dhawayn doonaan kulan adag oo Premier League ah Sabtida soo socota.

Iyadoo ay u badan tahay inay maqnaan doonaan Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus ayuu sidoo kale shaki ku jiraa Raheem Sterling oo dhaawac muruqa ah qaba walow uu isagu ka fursad badan yahay labada ciyaaryahan ee kale.

De Bruyne helps Man City ease past 10-man Arsenal

Maqnaanshaha kurbada ugu weyn ku haya Sky Blues ayaa ah midka Kevin De Bruyne oo lagu sifayn karo udub dhaxaadka shaxda Pep Guardiola.

Kevin ayaa xanuun dareemay intii uu socday kulankii uu dhawaan xulkiisa Belgium guularrada 2-1 ka ah kala kulmay dhigiisa England.

Tababaraha xulka Belgium ee Roberto Martinez oo xaalada dhaawaca De Bruyne ka hadlay ayaa sheegay inuusan inuusan odhan karin De Bruyne waa dhaawac balse uu sheegi karo inuu wax dareemay 29 sano jirkaasi.

Martinez ayaa yidhi isaga oo dhaawaca KDB ka hadlayay “Anigu ma odhan doono Kevin wuu dhaawacan yahay, isagu waxa uu sheegay inuu wax dareemay, waa xilli aad u horreysa in la ogaado waxa uu qabo, laakiin isagu boqolkiiba boqon ma dareemayo, waxa uu ahaa bedel taxadar ah (Bedelkii kulankii England)”

Haddaba, sida haatan ay sheegayaan xogo laga helayo ilo ku dhaw-dhaw Sky Blues, dhaawaca De Bruyne ayaan ahayn mid aad u halis ah balse seejin doona kulanka Gunners maadaama aysan kooxdiisu doonayn inay halis geliso oo uu mudo dheer maqnaado.

De Bruyne ayaa tijaabo kama dambays ah mari doona kahor kulanka, dabcan waxa uu ku ciyaari karaa xanuunka uu qabo balse uma badna sidaas.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.