AKHRISO: Qaabkii Uu Pirlo Iskaga Soo Indho Tiray Xiddigiisa Ronaldo, Amaantii Uu Messi Kala Dul Dhacay & Dhawr Mar Oo Uu Taageeradiisa Soo Caddaystay

Halyeeyga kubadda cagta Talyaaniga ee Andrea Pirlo ayaa hadda ah tababaraha kooxdiisii hore ee Juventus oo u noqonaysa xilkiisii tababarenimo ee ugu horreysay.

Maalmo kooban kahor, Andrea Pirlo oo saaxada kubadda cagta ka maqnaa tan iyo markii uu hawl-gabay sanadkii 2017 ayaa loo magacaabay tababaraha xiddigaha da’doodu 23 ka yartahay ee Juventus.

Mudo kooban kaddib Pirlo oo afar horyaalka Serie A oo xidhiidh ah kula soo guuleystay Juventus ayaa la wareegay shaqada kooxda koowaad ee kooxdaas isaga oo bedel u noqday Maurizio Sarri oo la caydhiyay.

Pirlo ayaan aayar bilaaban doonin shaqo sahlan marka laga yimaado in Juventus xilli ciyaareedkii sagaalaad oo xidhiidh ah loo caleemo saaray hanashada Serie A.

Waxa ay tartanka Champions League kaga hadheen wareega 16-ka iyagoo ay reebtay kooxda Lyon xilli ay sidoo kale jiraan warar sheegaya in hoggaamiyaha kooxdeeda ee Cristiano Ronaldo uu doonayo inuu ku biiro Paris Saint-Germain.

Haddaba, Pirlo oo hore dhawr jeer iskaga soo indho tiray xulashada Ronaldo ayaan la hubin haddiiba imaanshihiisa Turin uu jeclaysan doono ciyaaryahanka ree Portugal.

Andrea oo mar la weydiiyay inuu xusho shaxda xiddigaha ugu wanaagsan ee abid kasoo ciyaaray Champions League ayaa gabi ahaanba iska diiday Ronaldo isaga oo xushay ninka ay kubadda cagta ku xifaaltamaan ee Lionel Messi.

Sidoo kale Pirlo oo wakhti ka hadlayay Messi ayaa yidhi “Isagu wax badan ayuu gaadhay, laakiin wali waxaan hubaa inuu wax intaas ka badan gaadhi doono, anigu uma baahni inaan si faah-faahsan uga hadlo waxa uu awoodo, qofkasta wuu ogyahay inuu isagu xilli horeba yahay midka ugu wanaagsan abid”

Shaxda Riyada Ee Uu Soo Xushay Pirlo Mudo Kahor

Buffon; Cafu, Maldini, Cannavaro, Lahm; Gattuso, Xavi, Scholes, Kaka; Messi, Inzaghi.

Ugu dambayn, Pirlo ayaa sidoo kale dhawr mar sawiro uu la galay Messi ku sifeeyay inuu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan halka uu hore ugu soo doortay xiddiga ugu fiican ee uu abid wajahay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.