AKHRISO Oo Ha Yaabin!! Messi Oo Caddeeyay In Da’du Kaliya Tiro Tahay & Liiska Rekoodhada Uu La Liga Ka Sameeyay Xilli Ciyaareedkan

Horyaalka ugu heerka sarreeya ee Spain ayaa dhawaan soo dhammaaday iyadoo dhammaan rekoodhadii shaqsiga ahaa lagu kala calaf-qaaday halka koobka oo ahaa muhiimada ugu weyn ay gacanta ku dhigtay kooxda Real Madrid.

Barcelona ayay u ahayd xilli ciyaareed aan wanaagsanayn waxaana ay ku dhammaysteen iyagoo shan dhibcood ka dambeeya Real Madrid balse kabtanka kooxdaas ee Lionel Messi ayaa isagu sidii looga bartay bandhigiisa wanaagsan halkiisa kasii waday.

Kaddib markii xilli ciyaareedka si rasmi ah loosoo af-meeray, Messi ayaa ah midka hoggaaminaya tobbaan rekoodh oo kala duwan oo horyaalkaas ah kaddib xogtii laga ururiyay 2019-20.

Aan ku bilawnee Leo oo caddaynaya in da’du ay kaliya tiro tahay maadaama oo uu 33 sano jir yahay walina wacdarro dhigayo ayaa ahaa gool dhaliyaha ugu sarreeya ee La Liga oo uu 25 gool ku qaaday iyo 21 gool caawimo oo uu caawiyaha ugu badan ku ahaa.

Sidoo kale Messi ayaa hoggaaminaya fursadaha ugu badan ee la sameeyay (88 fursadood) si lamid ah mararka ugu badan ee ciyaartoy gosmo amaba gambis lagu dhaafay (182 jeer).

Messi ayaa ahaa ciyaaryahanda darbooyinka ugu badan oo 159 darbo ah laagay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkaas 2019-20 isaga oo sidoo kale sameeyay darbooyinka ugu badan ee goolka ku aaday oo uu 71 ku haysto.

33 sano jirka ree Argentina ayaa sidoo kale ah ciyaaryahanka abuuray fursadaha ugu badan ee waaweyn (36 fursadood) halka uu sameeyay baasaska ugu badan ee lagu dhiibo agagaarka goolka kooxda kale (1148)

Ugu dambayn, Messi ayaa sidoo kale soo dhaliyay laadadka xorta ah ee horyaalka ugu badnaa xilli ciyaareedkan tagay (5) halka uu sidoo kale yahay ninka saddexleyada ugu badan soo saxeexay (3 saddexley.

Xogta Oo Sawir Ah

Image

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

  1. Messi waa messi uun macaa haduu 100sano jiro tollow sideen u daawan doonaa kubad bilaa messi ah markuu dhawaan kabaha dhigo ninka aan dartii kubada cagta u daawano 😅

Leave a Reply

Your email address will not be published.