AMAKAAG – Halyay Afrikaan Ah Oo 22 Sano Kadib Sheegtay In Uu Yahay Aabaha Dhabta Ah Ee Dhalay Marcus Rashford.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Ghana ee Michael Boye Marquaye ayuu kasoo yeedhay hadal argagax iyo yaab badan kaddib markii uu ku dooday qof dhan oo ibn aadam ah oo uu ehel u yahay balse aysan dunidu isku aqoonsanayn.

Shaqsiga uu sheegayo Michael Boye inuu aabihiisa dhabta ah yahay ayaa ah weeraryahanka Manchester United iyo xulka qaranka England ee Marcus Rashford.

Ex Ghanaian footballer Boye Marquaye says he is the biological ...

Caadiyan sida ay dunidu aqoonsantahay Rashford waxa dhalay Joseph Rashford oo ah nin Jamaican ah oo la yaqaano waxaana hooyo u ah Melanie Rashford.

Michael Boye Marquaye oo haatan ah 65 sano jir kuna nool gudaha UK ayaa sheegay inuu Rashford qudhiisu ogsoon yahay inuu isagu yahay aabihiisa dhabta ah balse uu hore uga cadhaysnaa isaga maadaama oo uu aaminsan yahay inuu ka tagay isaga oo yar.

Xiddigan hore ee ree Ghana ayaa sheegay inuusan arrintan u samaynayn lacag iyo caanimo doon balse uu dunida u sheegayo inuu Rashy yahay wiil ree Ghana ah oo dhalasho ahaan Africa kasoo jeeda oo aan ahayn asal Jamaican iyo English midna.

“Rashord waa wiilkayga isaguna midaas wuu og yahay walow aanaan is arag mudo sanado ah” ayuu Michael Boye Marquaye u sheegay Starr FM oo uu waraysi siinayay.

“Markii hore wuu cadhaysnaa sababtoo ah waxa uu filayaa inaan anigu ka tagay isaga balse taasi ma aysan ahayn arrinta jirta”

“Dad badan ayaa haatan isku dayaya inay ii yimaadaan si ay iskugu dayaan oo ay u helaan sheeko cusub, laakiin anigu ma ihi qofka sidaas ah ee eega hab sahlan oo uu lacag ku helo ama uu caan ku noqdo, waxaan kaliya doonayay inaan arrimaha caddeeyo oo aan dunida ogaysiiyo inuu Marcus Rashford leeyahay xidido Ghanian ah”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.