AKHRISO: Andy Robertson Oo Xidhay Garanka Chelsea, WhatsApp-ka Liverpool Oo Uu Ku Diray, Wixii Uu Uga Jeeday & Jawaabihii Uu Helay

Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa kaga sheekeeyay buugiisa cusub inuu xidhay maaliyada kooxda ay xifaaltamaan ee Chelsea isla markaana ku diray qolka WhatsApp-ka ee kooxdiisa iyo waliba sababtii ku qasabtay.

Robertson oo kamida ragga ugu kaftanka badan qolka labiska Reds ayaa go’aansaday inuu ka cadhaysiiyo xiddigaha kale ee kooxdiisa kahor kulankii Chelsea vs Man City markaas oo ay ogaayeen in guul ay gaadho kooxda Frank Lampard ama bar-bardhac uu horyaalka siin doono.

Chelsea news: What Andy Robertson told Billy Gilmour after Liverpool FA Cup  clash | Football | Sport | Express.co.uk

Xiddigaha Liverpool ayaa habeenkaas iskugu ururay meel ay cuno ku karsanayeen si wadajir ahna kulanka uga daawanayeen balse Andrew ayaa soo saaray garankii uu da’yarka xulkiisa Scotland ee Billy Gilmour siiyay kulankii ay labada kooxood FA Cup wada ciyaareen.

Robertson ayaa sheegay inuu sawir ku galay garanka Chelsea kahor kulanka ay daawanayeen isla markaana uu si kaftan ah u weydiiyay xiddigaha kale dharka ay iskugu imanayaan ee ay ciyaarta ku daawanayaan.

Sida uu filan karo qofkasta isla markaan uu sheegay Robertson, shaqsiyaadka usoo jawaabay ee u badan xiddigaha Reds ayaa cay iyo sawiro yar-yar (Emojis) oo dareenkooda muujinaya iskugu soo daray.

Andy oo buugiisa kaga hadlaya arrintaas ayaa yidhi “Maxaad xidhan lahayd haddii aad tahay ciyaartoy Liverpool ah oo isku diyaarinaya maalin noqon karta maalintii ugu fiicnayd waayahaaga ciyaareed ilaa haatan? way fududahay, waa garan Chelsea ah”

“Iyadoo ay kuwa kale isku diyaarinayeen cunto karin aanu dhammaantayo rajaynaynay inay isku bedeli doonto xafladaysiga koobka, waxaan tagay qolkayga dharka waxaanan soo saaray garankii uu Billy Gilmour i siiyay bilooyin kahor”

“Waan xidhay, waxaan dareemay raaxo yar (Dhinaca leekaanshaha garanka) laakiin waxaan u socday midabka, maaha leekaanshaha, sawir deg-deg ah ayaa ku xigay waxaanan sawirka si toos ah ugu diray qolkayaga”

“‘Ragoow, waa maxay labisku caawa?” ayaan weydiiyay, jawaabo xidhiidh ah oo cay ah iyo sawirro yar yar ayaa lagu soo diray taleefankayga”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.