Afartii Kulan El-Clasico Ee Xulka Qaranka Spain Baabiin Gaadhay, Inay Siyaasadi Qolka Labiska Gashay & Iker Casillas Oo Xog Muhiim Ah Bixiyay

Goolhayaha halyeeyga ah ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Iker Casillas ayaa ka sheekeeyay qaabkii uu xulka Spain bur-burka ugu dhawaaday kaddib kulamo xoogan oo El Clasico ah oo sanadkii 2011 qabsoomay.

Xamaasada Clasico ayaa halkii ugu sarreysay gaadhay 2011 iyadoo ay isku muruxsadeen labada kooxood oo ay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola kala wateen, arrinta sheekada sii kululaysay ayaa ahayd in labada kooxood afar kulan la isku ballamiyay maalmo tirsan gudahood.

Barcelona and Real complain to UEFA as El Clasico row escalates - Inside World Football

Casillas oo saxaafada kala hadlay haatan wakhtigaas ayaa sheegay in kulamadaasi ay ahaayeen kuwo saamayn siyaasadeed iyo kala qaybsanaanta Spain dhexdeeda ka jirta la fal-galay isla markaana saamayn ku yeeshay qolka labiska ee xulka Spain.

Iker oo sheekadaas ka warramaya ayaa yidhi “Anagu diyaar umaanu ahayn afartaas kulan wakhtiga sidaas u yar gudihii”

“Anagu in badan ayaanu la ciyaarnay iyaga, afartaas kulan waxa ay qeexeen kubadda cagta Spain iyo waxkasta oo ka ku hareeraysnaa wakhtigaas”

“Waxay ku dhammaadeen iyaga oo saamayn siyaasadeed oo weyn leh, haddii ay Barcelona guuleysato, waxay ahayd sida in Catalonia ay garaacday Spain”

Dhinaca kale tababarihii Spain ee wakhtigaas ee Vicente Del Bosque ayaa sheegay inuu qolka labisku kala qaybsamay sababtoo ah saamayn dibada kaga timid.

“Waxaan filayaa in qolka labisku ahaa mid kala qaybsan sababtoo ah saamayn dibada ah, maaha saamayno gudaha ah”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.